Ruushka oo diyaariyey dayuurad mar qura 3 kale hawada shidaal ku siin karta + Sawirro

0

(Moscow) 23 Dis 2020 – Sharikadda Raashka ah ee Aviastar-SP, oo qayb ka ah sharikadda UAC, ayaa bilowday inay 10 dayuuradood oo ah nooca culus ee booyadda ah ee Il-78MD-90A ay u daabusho Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka, taasoo hal mar hawada shidaal ku siin karta 3 dayuuradood.

Dayuuraddan ayaa IL-78MD-90A ayaa laba meelood oo shidaalka laga qaadan karo garbaha hore ku leh, halka ay mid kale ku leedahay qaybta dambe, iyadoo marka ay dhulka joogto 4 dayuuradood mar qura shidaal siin karta, sida lagu sheegay war kasoo baxay Rostec.

Dayuuraddan ayaa sidoo kale loo rogi karaa mid qaadda xamuulka caadiga ah, waxaana naqshadeeda lagu saleeyey middii ka horreeysey ee Il-76MD-90A oo xamuulka qaadda.

Waxay leedahay 4 matoor oo cusub oo ah PS-90A-76 oo ay ku fara yaraysatay sharikadda UEC-Perm Motors.

Waxaa la cusboonaysiiyey hagitaanka iyo amaanka duullitaan ee dayuuradda, iyadoo sidoo kale la casriyeeyey qalabka shirka dayuuradda.

Hadalsame Media