Jawaahir Rooble waa gabadhii ugu horreeysey ee Muslim ah ee abid garsoore kubadda cagta ah ka noqota UK + Sawirro

0

(London) 22 Dis 2020 – Jawaahir “JJ” Rooble waa gabadhii ugu horreeysey ee Muslim ah ee abid dhexdhexaadisa ciyaaraha kubadda cagta Ingiriiska.

Jawaahir oo 26-jir ah waxay samaysaa tababar joogto ah 7-da maalmood oo iskugu jira culays qaad, orod iyo xiisado dhanka faya-qabka ah oo ay siiso haweenka maxalliga ah.

Waxay inta kale ku dhamaysataa inay dib u eegto ciyaaraha ay qabatay iyo kuwo kale si ay u daraasayso moowqifka ugu wanaagsan ee uu garsooruhu istaagi karo, sida ciyaarta iyo carada loo xakameeyo iyo sida loo feejignaado.

Jawaahir oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay ku taamayso inay dhexdhexaadiso ciyaaraha horyaalka haweenka ee Women’s Super League (WSL) ama xitaa English Premier League maalin uun.

Waxay Britain usoo guureen 2004, waxayna Jawaahir sheegtay in waloow ay culays kala kulantay dadka u dhow ay misna ku dedaashey ka mira dhalinta riyadeeda oo ay doonayso inay gaarsiiso halka ay doonayso.

Hadalsame Media