Cabsi ka taagan Maamulka Wajeer kaddib markii jidka lasoo dhigay madaxa nin Kaaliye-xigeen ahaa

0

(Wajeer) 22 Dis 2020 – Waxaa ay cabsiyi ka taagan tahay tuulooyin hoos taga Ismaamulka Wajeer kaddib markii la helay madaxii kaaliye-xigeen ay Jimcihii halkaa ka qafaasheen kooxda Al Shabaab oo jidka dhinac yaalla.

Waxaa weli maqan jirka intiisa kale, waxaana ninka madaxa laga jaray uu Kaaliye-xigeen ka ahaa beesha Gumarreey, waxaana la oran jirey, Omar Adan Buul.

Buul oo ninkan Jimcihii qafaashay ayaa deeto dadkii degaanka cabbaar u khudbeeyey, waxaa ay deeto madaxiisa soo dhigeen inta u dhaxaysa Khorof Harar iyo Konton iyadoo ay madaxa maanta geleen xoola raacatadu, kuwaasoo booliiska u yeerey, si ay u soo helaan maydka intiisa kale.

Al-Shabaab ayaa kordhisey weerarrada aaggaasi, iyagoo isla Jimcihii anteeno isgaarsiineed ku burburiyey meel ka tirsan Maamulka Mandheera, kaddib waxay weerar ku qaadeen Ciidanka Roondada Xuduudaha agagaarka Lamu.

Hadalsame Media