XOG: Turkiga oo Somalia siinaya daroon cusub oo guuxiisa ka dheereeya (Raadaarka oo uu F-16 iskaga dhigi karo)

0

(Ankara) 21 Dis 2020 – Turkiga ayaa haatan soo gebagegeeyey farsamaynta nooc cusub oo daroon ah oo ay diyaarisay shirkadda ay dowladdu leedahay ee TAI (Turkish Aerospace Industries) kaasoo ah nooca guuxiisa ka dheereeya.

Daroonkan oo loogu magac daray Göksungur oo ah nooca ug orodka badan Gorgorka oo jari kara 380 km/saacaddii, balse Göksungur  oo ka dambeeya Aksungur oo aan guuxiisa ka dheerayn, ayaa saacaddii jari kara 1600 oo km, taasoo ka badan xawaaraha jabaqda oo marka heerka badda lagu cabbiro ah 1200 km/saacaddii.

Sida uu qorayo Twitter TR Arabia, wuxuu daroonkani awood u leeyahay inuu bedbedelo haybtiisa si uu u khaldo raadaarka, isagoo xitaa iska dhigi kara dayuurad F-16 ah, amaba gebi ahaanba is qarin kara.

Dalka ugu horreeya ee la siiyo wuxuu noqon karaa Somalia si uu Ciidanka Cirka uga caawiyo ilaalinta xuduudaha iyo daafaca amniga dalka, sida la dagaalllanka argagixisada, ayaa lagu qoray boggaas.

Hadalsame Media