Maydkii Diego Maradona oo loo “dhigaalin” doono sabab la yaab badan oo la xiriirta baahi loo qabo hidde-sidkiisa

0

(Beunos Aires) 21 Dis 2020 – Maydka halyaygii kubadda cagta ee Diego Maradona ayaa “la dhigaalinayaa” si dhecaanno iyo cadaymo kale looga helo haddii lacalla hidde-sidkiisa (DNA) loo baahdo.

Go’aankan oo kasoo baxay maxkamad ku taalla Argentina oo diiddey in maydkiisa la gubo waloow ay qarreennadiisu ku doodayaan in cadaymihiisu ay buuxaan, sida ay kasoo koobisey Reuters.

Maradona ayaa wadne xanuun u xijaabtey 26-kii Nofeembar, iyadoo halkii la gubi lahaa lagu aasay qabri caadi ah oo ku yaalla caasimadda  Buenos Aires.

6 carruur ah oo la aqoonsan yahay iyo 6 kale oo aabbenimadiisa ay doodi uga jirto ayaa isku haysta dhaxalkiisa iyadoo murankooda loogu gar qaadayo Argentina.

Tusaale, Magali Gil, 25-jir, ayaa ku doodaysa inay 2 sanadood kahor ogaatey in arbihii kubadda cagtu uu aabaheedii rasmiga ah ahaa, iyadoo sambalka hidde-sidkeeda u dirtay Xafiiska Dacwad oogaha.

Yeelkeede, Mara ayaa 25 sanadood ku doodayey inuu kaliya leeyahay 2 gabdhood; Dalma iyo Giannina, oo kala dhashay 1987 iyo 1988-kii, kuwaasoo ay dhashay Claudia Villafane, oo ay isku cindanaayeen ilaa carruurnimadii muddo 25 sanadood ahna ay is qabeen.

Ha yeeshee, wuxuu burqaday markii ay kala bexeen isagoo qirtay ugu yaraan 5 carruur ah oo dheeraad ah oo ku kala firirsan min Italy, Cuba ilaa Argentina kuwaasoo aan ku dhalanin guur rasmi ah.

Wuxuu sidoo kale wiil yar, Diego Fernando, oo dhashay 2013-kii ka dhalay saaxiibtii hore, Veronica Ojeda.

Hadalsame Media