Dayax-gacmeed cusub oo sawiri kara waxyaabaha ay derbiyadu ka sokeeyaan oo hawada sare heehaabaya + Sawirro

0

(Hadalsame) 21 Dis 2020 – Waxaa hawada sare heebaabaya dayax-gacmeed nooc cusub ah oo ku qalabaysan bikaacyo fogaan arag ah oo sawiri kara meel kasta oo dunida ka mid ah, isagoo leh sawir qaadid xoog badan oo xitaa gidaarrada ka dusi kara si uu u sawiro waxa gudaha ku jira.

Capella-2, oo ay samaysay Capella Space, wuxuu adeegsadaa raadaarka loo yaqaan Synthetic Aperture Radar (SAR), kaasoo dhulka arki kara si kasta oo uu jawigu u xun yahay ama ay daruuro ugu gadaaman yihiin.

SAR wuxuu dhulka usoo diri karaa ishaarooyin ”ifinaya” barta la bartilmaameedsanayo, isla markaana ururinaya dhawaq kasta oo dhulka kasoo noqda, isagoo deeto samaynaya sawirro faahfaahsan.

Wuxuu meel kasta oo dhulka ka mid ah ka qaadi karaa sawir ay diqadiisu gaarayso 50cm x 50cm kaasoo adeegsanaya tiknolojiyadda cusub ee Spotlight Mode kaasoo meesha la danaynayo ka keenaya sawirro dhalo ah  (AOI).

Capella Space oo haatan dayac-gacmeedkan ayaa durba qandaraasyo ka helaya hay’aad ka tirsan DF Maraykanka sida Xafiiska Sahanka Qaranka (NRO) iyo Ciidanka Cirka Maraykanka (USAF).

Hadalsame Media

Facebook Comments