“Dadkii baa xumaaday ee dalku waa sidiisii!” – MW hore Aadan Cadde (Talo uu ka dhiibtey xalka dhibaatada dalka)

0

(Hadalsame) 21 Dis 2020 – Sanadku markuu ahaa 1999-kii waxa aan mashruuc Duumada la xiriira kala shaqeynayay WHO aniga oo ka tirsanaa hey’adda Intersos kaas oo laga fulinyay magaalooyinka ay Malaariyada ku badan tahay sida Jowhar, Jannaale iyo Jamaame.

Mar aan ka shaqeyneynay tuulooyinka Mushaani iyo Waagaade oo u dhow Jannaale ayaa la ii sheegay in beerta Madaxweynihii hore Aden Cabdulle Cismaan ay halkaas ku taal isagana uu xunuunsanayo oo dibadda laga keenay. Waxa aan goostay in soo booqdo.

Waxa aan u imid xilli galab ah salaaddii casar kaddib. Waxa la joogay markaas Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan will uu awow u yahay oo lugaha iyo gacmaha u jimcinayay.

Waan bariidiyay, galabtaas aad ayuu fiicnaa, in kasta oo xunuun uu muddo hayay hadaladiisu fasiix ayay ahaayeen, qalbigiisuna aad ayuu u degannaa.

Waxa ii suuragashay inaan la sheekeysto. Waxaan ku iri ”Madaxweyne dalka waad aragtaa waxaa ka socda, in sidan ay noqoneyso Soomaaliya ma u maleyneysay maalin uun?”

Waxa uu igu yiri Maya “Laakiin Dadkii Baa Xumaaday Maahee, Dalku Waa Sidiiisii,”.

Waxaan weydiiyay maadaama uu ahaa nin waayo-arag ah, Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee si dimuquraadi ah xilka uga degey, dadka Soomaaliyeedna ay qaddarin iyo xushmad u hayaan, taladiisu waxa ay tahay sida colaadda iyo dagaalka sokeeye ay Soomaaliya uga bixi karto.

Wuxuu yiri Allaha u naxariistee Madaxweyne Adan Cabdulle Cismaan.

“Waqtigii anigu aan soo garaadsaday dadka Soomaalidu wey is jeclaayaan, dadkuna gobonnimo doon bay ahaayeen, haddase dalkii qabyaalad baa burburisay oo raaciye loo noqday. Markuu dalku burburayna cadowgii iyo shisheeyihii baa na soo dhexgalay oo naga faaideystay. Marka haddii Soomaalidu ay shisheeyaha iska daayaan oo ay yiraahdaan maxaa inoo dan ah, dawo waa la helayaa oo shirarka ay dibadaha u tagayaan ay dalka gudihiisa isugu yimaadaan, qabyaaladdana ay iska daayaan.”

Waxa aan ku soo noqday galab kale oo aan rabay inaan waresyiga ka duubo, laakiin wiilkii uu awowga u ahaa ayaa igu yiri Aabbe xalay wuu xunuunsaday, si fiicanna uma hadli karo.

Waxaa Qoray: Maxamed Ibraahim Macalimuu

Hadalsame Media