Al Shabaab oo weerar gaadmo ah u gaysatey ciidamo loogu tala galay ilaalinta xadka Kenya & heegan cusub

0

(Lamu) 21 Dis 2020 – Hay’aadka amaan ee Gobolka Xeebta ayaa heegan sare la geliyey kaddib markii ay kaddib markii Lamu shalay lagu weeraray 10 sarkaal oo ka tirsan Booliiska Kenya, 24 saacadood uun kaddib markii ay xadka kasoo gudbeen 16 dagaallame oo Al Shabaab ah, sida uu qorayo Nation.

Askarta la weeraray oo ka mid ah kuwa xuduudaha roondeeya (Border Patrol Unit) ayaa sibiq kaga baxsaday weerarka oo ka dhacay jidka isku xira Lamu-Gamba ee Nyongoro, iyadoo rasaas lagu hilay gaarigii kolonyada hoggaaminayey oo uu tirsigiisu ahaa, GKB 253T, iyadoo rasaas la is dhaafsanayey muddo 10 daqiiqadood ah taasoo lagu eryey kooxda Shabaab, sida uu qorayo Nation.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in 16 ka tirsan malliishiyada Shabaabku ay Somalia uga soo gudbeen dhanka Gaarisa, iyagoo deeto u leexday dhanka Degmada Tana River County, iyagoo huuri yar uga gudbey Webiga Tana ee kala qaybiya labada maamul kaddibna inta is qaybiyeen u kala baxay jihooyin dhowr ah iyagoo weerari kara kaabayaasha iyo gaadiidka dowladda, sida ku cad xog-siinta Booliiska.

Dhanka Lamu, Taliyaha Booliiska, Moses Murithi, ayaa sheegay in ciidanka Booliiska oo garabsanaya kuwa xoogga ee KDF ay haatan ku daba jiraan kooxda weerarka soo qaadday oo uu sheegay inuu “dhabarkoodu u calaamaysan yahay.”

Wuxuu kale oo uu shacabka siiyey damaanad ah inay nabad ku mari karaa aaggaasi, gaar ahaan jidka muhimka ah ee isku xira Lamu-Witu-Garsen.

Hadalsame Media