Muxuu Midowga Afrika ka yiri xiriirka diblomaasiyadeed ee ay DF u jartay Kenya?

0

(Jabuuti) 20 Dis 2020 – Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ka qayb qaadanaya kulan-madaxeedka urur goboleedka IGAD ee ka furmay Jabuuti, ayaa soo hadal qaaday xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex aloosan labada dal ee Somalia iyo Kenya.

Md Mousa ayaa wuxuu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xalliyo muranka ka dhex taagan labada dal, isagoo sheegay inuu ka ”walaacsan yahay” xiriirka ay Somalia u jartay Kenya.

Wuxuu isaga oo ka hor hadlaya labada Madaxwayne ee labada dal uu intaa ku daray baaq mara haatin ah oo ku saabsan in ay labada dal iskugu yimaadaan miiska wadahadalka oo ay markale caadiyeeyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi.

Dalalka IGAD ayaa iyaguna soo jeediyey in la qaboojiyo xiisadda labada dal, iyadoo ay labada dal si gaar ah u dhex galeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, oo doonaya inay ka odayeeyaan arrinta la isku hayo, iyadoo ay Somalia codsanayso in ay Kenya joojiso dhex boodka arrimaha gudeed ee Somalia.

Kenya ayaa dhanka kale waloow ay sheeganayso inaysan la ficiltami doonin DF Somali, misna waxay bilowday inay adeejiso madaxda sare ee Maamulka Jubbaland oo durba War Saxafadeed ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin xiriirka la jaray.

Waxaa sidoo kale xad beenaadka dhooban malliishiyaad ay soo duntay oo ay wehlinayaan ciidanka KDF.

Hadalsame Media