XOG: Arrin soo laalaabata oo sabab u ahayd in qaraxii shalay lagu laayo saraakiil badan (Meel uu uga egyahay midkii lagu diley Inj. Yariisoow)

0

(Gaalkacyo) 19 Dis 2020 – Waxaa shalay ay dhacdo dhiigle ihi ka dhacday afaafka hore ee Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu soo dhaweeyn lahaa wefdi uu horkacayo RW Maxamed Xuseen Rooble oo shalay halkaa tegey.

Waxaa se halkaa ka dhacay qarax ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qofood oo u badan saraakiil iyo madax ka tirsan Ciidanka Xoogga, gaar ahaan qaybta 21-aad iyo maamullada Galmudug iyo Puntland.

Haddaba sidee dhagar qabaha is qarxiyey ay ugu suuragashay inuu dhex galo saraakiisha uu laayey? Ninkan nafti halligaha ah ayaa la sheegay inuu baarista uga badbaadey saraakiisha uu qaraxa ku laayey oo ay is yaqaanneen, waxaa xitaa laga shakisan yahay inuu ninkani saraakiisha iskugu yeerey si uu isugu ekeeysiiyo nin u sheekaynaya.

Maxamed Xasan Sahal, Afhayeenkii hore ee Maamulka Galmudug, ayaa idaacadda maxalliga ah ee Radio Daljir u sheegay xog kale oo taa muujinaysa, isagoo tilmaamay in dhagar qabuhu uu xitaa salaamay Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan, Taliyihii Kumaandooska Danab ee Qaybta 21-aad oo ka mid ah saraakiisha dhimatay, ilbiriqsiyo yar kahor intii aanu qarxin miinadii ku xirnayd.

Marar badan ayaa waxaa khaldan hab-raaca amaanka Ciidanka DF Somalia, iyadoo haddii meel la baarayo ay tahay in qof kasta la baaro, haddii la yaqaan iyo haddii kale, haddii uu madax yahay iyo haddii aanu ahayn, waayo in fursad la qaato waxaa ka muhiimsan hubaasha, iyadoo tabtan oo kale la sheegay in loo agaasimey qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka ee lagu laayey rag uu ka mid ahaa Guddoonkii hore ee Gobolka Banaadir. Inj Yariisoow (AUN).

Waxaa la tuhunsan yahay in xeeshan oo kale loo adeegsadey meelo badan oo ay ka dheceen qaraxyo ay dad badani ku hoobteen, taasoo aan wax laga baran muddada 16-ka sanadood ka badan ee ay qaraxyadu socdeen.

Dhanka kale, ma jiro wax Sirdoon ah oo ka hortag ama ka dab tag sameeya, iyadoo qarax kasta oo dhaca halkiisa looga haro, wax xog ah oo dambena aan inta badan laga maqal hay’adaha amaanka ee DF Somalia iyo xitaa kuwa maamullada.

Ragga dhintay waxaa ka mid ahaa:

1 – Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari).

2 – Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan.

3 – Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali.

4 – Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Hadalsame Media