KENYA: Xildhibaanad Soomaali ah oo lagu haysto “taageero ay u muujisay” calanka & MW Somalia

0

(Nairobi) 19 Dis 2020 – Xildhibaanadda Canab Suubow Guure oo ah gabar Soomaali ah ayaa ka sheeganaysa in laga qaaday ilaaladeedii islamarkaana ay ku meeraysanayaan Booliiska Kenya.

Xildhibaanadda oo Gaarisa metesha ayaa lagu haystaa sawir ay ku gashay sawirka calanka iyo MW Somalia.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Kenya sida Alice Wahoma iyo Cabdulqaadir Aadan ayaa arrintan cambaareeyey, iyagoo sheegay inaysan dembi ahayn in sawir lagu galo xafiiska dal kale.

Xildhibaanad Canab ayaa lafteedu ka hadashay umuurta iyadoo ku doodday inaan la cabsigelin karin ama aan gacanta laga maroojin karo. “Kenya ma aha dal booliisku ku amar ku taagleeyo.” Ayay tiri.

“Soomaalidu waxay aaminsan yihiin inuu metelo calankan oo leh xiddig 5 gees leh oo gees kasta uu u taagan yahay qayb ka mid ah Soomaalida oo ay ku jirto midda Kenya. Waa arrin taabanaysa jiritaankeenna qaran.” Ayuu yiri Vincent Onyangu oo fikir ka dhiibanayey arrintan.

 

Hadalsame Media