Walaac soo food saaray ganacsiyada Soomaalida kaddib xiriirka loo jaray Kenya & kuwa sheeganaya dhibka ugu badan

0

(Nairobi) 19 Dis 2020 – Muranka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Somalia ayaa haatan markii ugu horreeysey saamayn xooggan ku yeeshay qayb kale oo ka tirsan Soomaalida la ganacsata  Kenya.

Waxaa awal dhibaato sheeganayey Soomaalida Jaadka ka keenta Kenya iyo kuwa iibiya, balse haatan waxaa qayladhaaminaya dadka safarradda dayuuradaha agaasima ama la shaqaysta (travel agencies).

Ganacsade Abuukar Xasan Dhakane oo ka mid ah Soomaalida xamuullada ay dayuuradaha sidaan u dira Somalia ayaa sheegay in ay maalin kasta 4 dayuuradood oo xamuul sida u rari jireen Somalia, balse ay haatan taasi soo koobantay oo wixii oo dhan lagu soo koobay hal duullimaad.

Farxiya Milano oo ka mid ah dadka tigidhada jara ayaa iyaduna Hadalsame Media u sheegtay in shaqooyinkooda oo awalba u dhibaataysnaa caabuq-sidaha Covid-19 ay haatan uga sii dartay xiriirka loo jaray Kenya.

Yeelkeede, Barre Cali, oo ah Soomaali ku nool Nairobi, ayaa DW u sheegay in Somalia, maadaama ay tahay dal madax bannaan, ay xaq u leedahay inay go’aamo soo saarto, isagoo Kenya ugu baaqay inay joojiso dhex boodidda arrimaha Somalia, si arrintan loo xalliyo.

Dhanka kale, waloow uu Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka Kenya, Cyrus Oguna, uu ballan qaaday in aanay ka aarsan doonin DF Somalia oo ay eegi doonaan baahida Soomaalida ku nool Kenya, misna ganactada Eastleigh ayay dhegtu u taagan tahay, iyagoo qaba in haddii ay arrintani sii daba dheeraato ay saamayn ku yeelan karto iyaga.

Hadalsame Media