Saxaafadda Carabta oo buunbuuninaysa dhaliishii loo jeediyey Turkiga oo dhisaya Ciidanka Somalia & khaladka halkaa ku jira

0

(Hadalsame) 19 Dis 2020 – Hay’adaha warbaahineed Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo dalal kale ayaa buunbuuninaya war ku saabsan Turkiga oo laga dalbaday inuu joojiyo kun qori oo uu siin lahaa Booliiska Gaarka ah ee Haramcad, kaddib markii ay musharrixiintu ku doodeen in MW Farmaajo u adeegsan karo ”inuu doorashada ku mija xaabiyo.”

Musharrixiinta ayaa warqad u qoray Danjiraha Somalia u fadhiya Muqdisho, si ay ugu muujiyaan wax lagu sheegay walaac ay ka qabaan hubkan oo imanaya xilli lagu jiro “marxalad doorasho oo xasaasi ah.”

Waxaa arrintaa aad u wad wada warbaahinta Carabta, gaar ahaan kuwa dalalka sida wayn u diiddan joogitaanka Turkey ee dalka Somalia, kuwaasoo aan iyagu inta uu Turkigu u qabanayo aan u qaban karin Somalia.

Ankara ayaa doonaysa inay Ciidanka Haramcad ee ay Turkigu tababaraan siiso 1,000 qori oo ah nooc G3 iyo 150,000 oo rasaas ah, iyadoo aad mooddo in wax kasta lagu soo koobay doorasho oo meesha laga saaray amaankii dalka, danta dalka, dib u dhiska ciidamada, iyadoo ay habboonaan lahayd in aan la taaban arrimaha dib u dhiska ciidanka balse la eedeeyo oo qura qofka bixinaya amarka, haddii lacalla si xun loo adeegsado ciidamada.

DF lafteeda ayaa ka mid ah kuwa diiradda saaraya doorashada uun, taasoo ay xeel dheerayaal badani u sababeeyeen xiriirka hadda loo jaray Kenya.

Hadalsame Media