Maraykanka oo Somalia u diray markab lagu tilmaamay ”saldhig badeed” & howsha uu qabanayo + Sawirro

0
190915-N-OH262-0709 CHESAPEAKE BAY (Sept. 15, 2019) The Military Sealift Command expeditionary sea base USNS Hershel 'Woody' Williams (ESB 4) is at anchor in the Chesapeake Bay, Sept. 15, 2019 during mine countermeasure equipment testing. (U.S. Navy photo by Bill Mesta/Released)

(Washington, DC) 19 Dis 2020 – Maraykanka ayaa wada qorshaha uu Somalia ugala baxayo ciidankiisa kaddib wareegtadii kasoo baxday MW Maraykanka, Donald Trump.

Sida uu sheegay Pentagon, Markabka USS Hershel “Woody” Williams ayaa durba gaarey xeebaha Somalia “ si uu gacan uga gaysto soo daad guraynta ciidamadaas iyo agabka culus ee ay wataan, kuwaasoo uu gaynayo meelo kale oo ka mid ah Bariga Afrika, sida uu sheegay Afhayeenka AFRICOM, Kelly Cahalan, oo warkan VOA ugu sheegay qaab E-mail ah.

Howlgalkan oo la yiraahdo Operation Octave Quartz, ayaa waxaa ka qayb qaadanaya markabkan oo dhererkiisu ku dhow yahay 800 oo cagood, isla markaana saldhigta gacanka Souda Bay, Crete.

Markabkan oo lagu naanayso ”Saldhigga Badda” ayaa loo dhisay inuu qabto howlo kala geddisan oo ay ka mid yihiin taageerada iyo gurmadka ciidamada, howlaha aadminnimo iwm, iyadoo ay tillaabadani ka mid tahay mid uu Trump ku doonayo inuu ciidankiisa uga soo saaro dalal kale sida Afghanistan iyo Ciraaq, kahor 20-ka Jannaayo oo uu xilka bannaynayo.

Waxaa Maraykanka Somalia ka jooga ilaa 700 oo askari oo inta badan Ciidanka Somalia ka caawiya la dagaallanka kooxda Al Shabaab, waloow aan inta badan laga dareemin dhanka Maraykanka oo sidoo kale sii wadaya kaalmaynta ciidanka Somalia xitaa ka bixitaankooda kaddib sida uu sheegay Afhayeenka AFRICOM.

190915-N-OH262-0709
CHESAPEAKE BAY (Sept. 15, 2019) The Military Sealift Command expeditionary sea base USNS Hershel ‘Woody’ Williams (ESB 4) is at anchor in the Chesapeake Bay, Sept. 15, 2019 during mine countermeasure equipment testing. (U.S. Navy photo by Bill Mesta/Released)

Hadalsame Media