Kenya oo sheegtay go’aanka ay ka qaadanayso muranka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Somalia (IGAD oo berri ku kulmaya Jabuuti)

0

(Nairobi) 19 Dis 2020 – Saqdii dhexe ee Talaadadii ayay ahayd markii ay DF Somalia ay hilinka afkeeda ku hadla ee SNTV soo marisay War Saxaafadeed xiriirka loogu jarayo Kenya oo ay ku eedeeysay faragelin gudeed.

Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka Kenya Md Cyrus Oguna ayaana horay u hadlay oo muujiyey in Kenya ay doonayso inay xaaladda dejiso isagoo sheegay inaanay qaadaynin tillaabo middi middi ku taag ah.

Yeelkeede, haatan oo uu markale hadlay ayuu sharraxay tillaabada uu qaadayo dalkiisu.

Wuxuu sheegay in ay ”nasiib darro tahay” in xiriirka loo jaro, balse uu doonayo in la eego danaha ka dhexeeya labada dal, isagoo ballan qaaday inay doonayaan xal diblomaasiyadeed oo ay u ashtakoon doonaan ururrada goboleed iyo kuwa qaaradeed ee Afrika sida IGAD,COMESA iyo Midowga Afrika.

Somalia ayaa horraanba ugu ashtakootey ururka IGAD oo berri ku kulmaya Jabuuti, si looga wada hadlo arrintan Somalia iyo Kenya iyo sidoo kale dagaalka Itoobiya ee lagu qaaday kooxda TPLF.

Hadalsame Media