TV ay maalgeliso Dowladda Turkiga oo Somaliland ka dhigay dal gaar ah & muran ka dhashay (Arag khariidadda)

0

(Ankara) 18 Dis 2020 – Hilinka caalamiga ah ee TRT oo ay maalgeliso Dowladda Turkiga ayaa muran ka abuuray baraha bulshada kaddib markii uu soo saaray khariidadda Somalia oo u kala qaybsan Somalia iyo Somaliland.

Dad Soomaali ah ayaa markiiba kusoo qamaamay qoraalka oo lagu eegayey 10 sano guurada Kacdoonkii fashilmay ee Gugii Carabta.

Dadka Soomaalida ah ayaa u qaybsan qaar diiddan in hay’ad warbaahineed oo ku shaqaysa siyaasadda Dowladda Turkigu ay sawir noocan ah soo bandhigto, halka sidii caadada ahayd ay aragtidan u guuxeen dadka taageersan Somaliland.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida xooggan u muujiya inay taageerayaan midnimada gayi ee dalka Somalia, oo ay Somaliland 91-kii sheegtay inay ka go’day.

TRT waa hilinka ugu caalamisan dalka Turkiga wuxuuna leeyahay laamo kala duwan oo iskugu jira kuwa madadaalada sida aflaamta, ciyaaraha iyo sidoo kale warka iyo dokumenteriyada.

Hadalsame Media