”MW Farmaajo ha muujiyo bisayl la mid ah midkii Sh. Shariif & Xasan Sheekh” – Danjirihii Turkiga ee Somalia

0

(Ankara) 17 Dis 2020 – Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyey Somalia, Dr C. Kani Torun, ayaa ka hadlay xaaladda murugsan ee doorashada 2021-ka, taasoo lagu muransan yahay guddi lagu tilmaamay mid macmal ah oo ay madaxtooyadu magacowday.

”Waxaan MW Farmaajo ka rajaynayaa inuu muujiyo bisayl la mid ah midkii ay muujiyeen Sh. Shariif iyo Xasan Sheekh doorashooyinkii 2012 iyo 2016, sida ay u kala horreeyaan,” ayuu ku bilaabay Dr Torun.

”Somalia waxay u baahan tahay xeer-jajab ee uma baahna iska hor imaad.” ayuu raaciyey.

Somalia oo ku jirta marxalad soo kabasho ah ayaysan u roonayn dhaqamada keeni kara inuu xaalku noqdo mid cakiran, taasoo sidoo kale niyad jebinaysa beesha caalamka oo ah midda isku kabkabaysa waxa yar ee la samaynayo marka dhanka maaliyadda la eego.

Hadalsame Media