”Waa aabi & kibir!” – Ruushka oo Turkiga uga hiilliyey cunaqabatayn uu Maraykanku kusoo rogey (Madaxa NATO oo isna ka hor yimid)

0

(Sarajevo) 16 Dis 2020 – Maraykanka ayaa cunaqabatayn cusub kusoo rogey Turkiga isagoo ku ciqaabaya iibka hannaanka daafaca cirka ee Ruush sameega ah ee S-400, taasoo uu Wasiir Dibadeedka Ruushku ku tilmaamay mid muujinaysa ”kibirka iyo sharci darrada” Maraykanka.

Sergey Lavrov oo booqasho ku joogey magaalada Sarajevo ee caasimadda  Bosnia iyo Herzegovina, ayaa wuxuu sheegay in tillaabada noocan ihi aanay kabaynin maqaamka Maraykanka oo doonaya in loo arko laacib caalami ah oo ka muuqda madlaha ay dunidu ku macaamisho.

Cunaqabatayntan cusub oo la marsiiyey Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa waxaa la cusjiyey xeerka CAATSA, waxaana lagu bartilmaameedsanayaa Dalladda Wershadaha Agabka Ciidanka (SSB) ee Turkiga iyo Guddoonkeeda Ismail Demir iyo 3 sarkaal oo sare.

Waxaa cunaqabataynta ka mid ah in la joojiyey dhamaanba shatiyadii sharikaadka Maraykanka ah ee agabka ciidanka ee qandaraas hoosaadyada wada shaqayneed iyo is dhaafsiga tiknolojiyadda kula jirey SSB, hanti fariisin iyo xadidaado dhanka fiisaha ah. Ruushka ayaase furka ku xooray.

“Waxaannu cambaaraynaynaa go’aanka cunaqabatayn hal-dhinacleey ah oo salka ku haysa iibsiga Turkiga ee gantaalaha S-400.” ayuu yiri Lavrov.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa nasiib darrro ku tilmaamay in Maraykanku uu cunaqabateeyo dal kale oo xubin ka ah gaashaanbuurta.

“Waxaan dhamaan xulufaha NATO ku boorrinayaa inay eegaan in la heli karo habab kale oo lagu heli karo xal togan” ayuu yiri Jens Stoltenberg oo ay shir jaraa’id wada qabteen RW Montenegro, Zdravko Krivokapic, kaasoo ay ku kulmeen Brussels.

Hadalsame Media