Turkiga oo lala doontay yooyootanka u dhexeeya Madaxtooyada & Musharrixiinta (Tillaabooyin khaldan oo ay labada dhinac qaadeen)

0

(Muqdisho) 16 Dis 2020 – Madasha musharrixiinta ayaa horay usoo saaray dacwad ku socota Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, kaasoo ay ku codsanayeen in uu Turkigu joojiyo qalab ciidan oo la siinayo Ciidanka Xoogga Dalka, kaasoo u badan qoryo fudud.

Xilli ay dadku la yaabban yihiin tillaabada ay qaadeen musharrixiinta oo qaab mushakal ah ajendayaal kala geddisan oo siyaasadeed oo aan qaarkood dalka u danaynayn iskugu dhex fushanaya, ayaa waxaa tillaabo kale oo laga fursan karey qaaday Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashada, kuwaasoo booqasho ugu tegey Danjiraha.

Waxay taasi keentay inay musharrixiintu markale soo hadlaan iyaga oo Turkiga uga digey inuu dhex galo muranka doorashadada madaxtinnimada Somalia.

“Waxaa is burinaya bogaadinta Safiirka Turkiga ee guddiga sharci darada ah iyo inay dowladdiisu qeyb ka tahay war-murtiyeedkii beesha caalamka ee soo baxay 15/12/2020 kaasi oo tibaaxaya in Guddiga uu yahay mid dhinac ah, isla markaana aan buuxnin shruudihii lagu heshiiyey,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay musharrixiinta oo lagu dhaliilayo Turkiga.

Waxay taasi ka dhigan tahay in musharrixiintu ay muddo gaaban soo saareen 2 War Saxaafadeed oo ka dhan ah Turkiga, iyagoo aan xeerin in agabka uu Turkigu siinayo Somalia uu yahay wax soo socdey oo uu ku taageerayo dowladnimada Somalia, isla markaana ay wax lagu qoslo tahay in la yiraahdo ”Somalia ayaa lagu qabsanayaa kun qoray.”

Kaasi waa khaladka 1-aad ee ay galeen musharrixiintu midka 2-aadna wuxuu yahay; mid ay qayb ku leedahay Madaxtooyada lafteeda oo guddigii lagu muransanaa u dirtay Safaaradda Turkiga, iyadoo aan la ogayn waxa uu guddi doorasho ka qabanayo Safaarad qalaad iyo danta daruuriga ah ee uga xiran. Xitaa haddii ay kaalmo farsamo iyo mid dhaqaale doonayaan waxaa taa kala xiriiri karta DF.

Markii ay halkaa taagan tahay ayay misna musharrixiintii soo saareen qoraal kale oo ay ku dhaliilayaan uguna digayaan Turkiga, iyagoo aan ka fikirin in haddii uu guddigan lagu muransan yahay uu Danjiraha kulan ka codsaday aanu isagu diidaynin xushmad ahaan iyo in ansaxa guddigani aanu ku xirnayn la kulanka Danjiraha Turkiga, waxaa kale oo laga baaqsan karey in muddo sidaa iskugu dhow shaqo laga dhigto Turkiga oo ah dalka qura ee haatan jaal istaraatiji ah lagu sheegi karo ee ay Somalia leedahay.

Gunaanadkii, waxaa dhinacyada siyaasadda yooyootanka u eg isku haya ku habboon in kolba wax badan xeerin maayaane ay meelaha qaar ka yara gabadaan, oo halkii uu midna booqasho aan loo baahnayn samayn lahaa midna uu ka daba qaadan lahaa ay fiican tahay in shacabka la tixgeliyo oo khilaafka jira la xalliyo iyada oo aan xagxagsho iyo xiriir jarid ama xumayn dalal kale lagu mashquulin.

Waxa ay wax kasta ka falmaan waa Soomaalida, faragelin aysan iyadu ogolaynna cidna kuma samayn karto.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media