Turkiga oo daroonnada Anka markii ugu horreeysey ka iibiyey dal Carbeed & tababarro kale oo la siinayo

0

(Ankara) 16 Dis 2020 – Shirkadda samaysa agabka ciidanka ee Turkish-ka ah ee Turkish Aerospace Industries (TAI) ayaa dayuuradda joogga dhexe ee is wadda ee Anka markii ugu horreeysey dal dibadeed ka iibinaysa, kaasoo ah Tuniisiya.

TAI ayaa 3 xabbo oo Anka UAV ah iyo 3 saldhig oo kuwa laga xukumo ee dhulka la dhigo ah u diraysa Taliska Ciidanka Cirka dalkaasi Tunisia, sida uu werinayo warqaadka maxalliga ah ee Habertürk.

Waxaase warbixinta lagu sheegay in qaar kale la siin doono sanadaha yar ee soo aaddan, iyadoo ay wada hadalladu soconayeen muddo 2 sanadood ku dhowaad ah.

Dayuuradahan ayaa ku kacaya $80 milyan oo doollar (TL 627.92 milyan) iyadoo uu Tunisia uu amaah lacageed siinayo bankiga Türk Eximbank.

Waxaa intaa dheer in 52 Tunisian ah oo iskugu jira duuliyeyaal iyo makaanigyo ay tababarro ku qaadan doonaan xarumaha TAI ee caasimadda Ankara.

Hadalsame Media