SHAHAADO LA SHUBAY: Shahaadooyinka aan loo qalmin oo kacdoon aqooneed oo dhaan-dabagaalle ah ka dhaliyey Somalia & dhibka la socda

0

(Hadalsame) 16 Dis 2020 – Aqoontu markay noqoto wax lagu faano oo bulashadaas qofka shahaado hebel haysta uu magac aanu mudnayn ku dhex yeesho, waxaa ka yimaada labo dhibaato. Tan kowaad waa in dadkoo dhan isku dayaan inay, siday doonaan ha ku helaane, shahaado helaan si ay magacooda kor ugu qaadaan.

Tan labaadna waa in kan shahaadada qaatay suuqa iska soo fariisto oo aanu aqoontiisa wax ku soo kordhin. Qasadkiisaaba ahaa inuu makhaayadda ka noqdo libaax la soo wada fiiriyo. Maalmo ayuu libaax ahaanayaa ilaa mid ka shahaado sarreeya makhaayadda yimaado oo kii hore bisad ka dhigo.

Waxaa jira waddammo iyagoo faqiir ah helay lacag ka timi dhulkooda oo qani ku ah shidaal ama macdan kale. Lacagtaasu kuma iman cilmi iyo xirfad ay dadkaasu lahaayeen. Dhaqaalaha kobcay ma barbar socon isbeddel aqooneed iyo mid dhaqan midna si ay isugu miisaamaan baahidooda iyo waxa ay lacagta ku samaynayaan.

Taas waxaa ka dhashay inay noqdeen suuq la keeno wax walba oo ka sarreeya baahiyahooda oo qurux iyo buurnaan keliya u kordhiya. Iyagu dad ahaan uma kobcin. Dhaqaalihii ay heleen qayb ka mid ah ayey ku bixiyaan inay isaga daaweeyaan xanuunno ay keentay raaxada ay ku degdegeen.

Shahaadooyinka faraha ka batay ma laga yaabaa inay abuuraan dhallinyaro iskala weyn xirfaddii ay wax ku soo saari lahaayeen tii ay shahaadada ku haysteenna aan ama ku filnayan ama aan fursadba u helin?

Uma baahnid shahaado si aad naftaada iyo bulshada waxtar ugu noqotid. Tuulo walba waxaa yaal fursad aan u muuqan dadka deggen laakiin qof meel kale ka soo safray uu la soo bixi karo.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media