”Qaar ayaa xabsiyada ku dhintay!” – HRW oo ka hadashay dhibaatada haysata dad Afrikaan u badan oo ku xiran Sucuudiga (Dalka ugu badan?)

0
TAIZZ, YEMEN - DECEMBER 25: Irregular African migrants are seen at a prison in Taizz, Yemen on December 25, 2019. Irregular migrants, arrested for illegal entry into Yemen, have been held in prison in the Ad Dabab district in western Taiz for nearly 3 months. ( Abdulnaser Alseddik - Anadolu Agency )

(Riyaad) 16 Dis 2020 – Sucuudiga ayaa boqollaal maxaabiis ah oo Afrikaan ah iyaga oo ku sugan xaalado aadminnimo oo aad u liita ku xirey xabsiyo ku yaalla caasimadda Riyaad, sida ay sheegtay hay’adda Human Rights Watch.

HRW waxay intaa raacisey in ugu yaraan 3 ka mid maxaabiistaasi ay silac iyo daryeel xumo darteed xabsiyadii ugu dhinteen tan iyo bishii Oktoobar oo qura.

Hay’adda ayaa intaa raacisey inay bishii tagtay la hadleen 7 Itoobiyaan ah oo weli halkaa ku xiran iyo 2 Hindi ah oo la tarxiilay, kuwaasoo u sheegay in lagu kuusay qol yar iyaga iyo 350 qof oo kale.

Maxaabiistaan ayaa sheegay in la jir-diley oo ay mararka qaar budad biro ka samaysan la dhacayeen ilaalada xabsiyada, iyadoo aan wax tixgelin ah oo gaar ah la siinin cudurka faafa ee COVID-19, tiiyoo ay halkaa ku xiran yihiin qaar muujinaya astaamaha cudurkan.

Muuqaal la helay ayaa laga arkay boqollaal qof oo is dul saaran iyadoo ay qaarkood jiifeen wax u eg musqul uu qashin dhinac yaallo.

“Sucuudigu waa dal hodon ah qiilna uma heli karo inuu dadka ku xiro xaaladda sidan u liidata muddo sanado ama bilo ah.” ayay tiri Nadia Hardman, oo ka mid ah HRW oo la hadlaysey Reuters oo sidoo kale sheegtay inay Dowladda Sucuudigu diiddey inay eedahan ka jawaabto.

Dadkan ayaa badankoodu waxay kasoo jeedaan Itoobiya, balse waxaa sidoo kale ku jira dalal kale oo Afrikaan ah sida Somalia iyo qaar u dhashay Aasiya.

Hadalsame Media