”Hargaysa nama siin karto suuq u dhigma Muqdisho oo ah midka noogu wayn!” – Jaadlayda Kenya oo furka ku xooray dowladooda

0

(Nairobi) 16 Dis 2020 – Beeralayda Jaadka Kenya ayay khasab ku tahay inay muddo kale sugaan suuqa qaaliga ah ee Somalia oo ay maalintii ka heli jireen Sh16 milyan oo shilin kaddib markii ay Somalia ”xiriirkii u jartay” Kenya, sida ay Somalia ku dhawaaqday saqdii dhexe ee Talaadadii maalin uun kaddib markii uu MW Uhuru Kenyatta qaabiley hoggaanka Somaliland Muuse Biixi, sida uu qorayo The Star.

“Tillaabadan ugu dambeeysey waxay nagu tahay dhirbaaxo wayn maadaama aynaan suuq u helaynin dalageenna,” ayuu yiri Guddoonka Jamciyadda Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) Md Kimathi Munjuri.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay tahay suuqa ugu ballaaran ee ay u haysteen Jaadkooda, isagoo tilmaamay in Somaliland aanay lahayn mug iyo qaad ay ku isticmaasho kumannaanka tan ee ay Muqdisho iibsan jirtey, isagoo sheegay in ay 5 tan oo qura ka iibsan jireen markii ay socdeen xasaradihii Gobolka Oromadu.

“Ma fahmayno jacaylkan cusub ee Nairobi iyo Hargeisa maxaa yeelay wuxuu cusbo sii marinayaa dhaawaca Muqdisho, mana xallinayo ismariwaaga taagan.” ayuu raaciyey Munjuri.

Jaadlayda ayaa sheegay in ay Wasaarad Dibadeedka Kenya ka sugayeen inay xalliso muranka kala dhexeeya Somalia, balse ay xaaladdu sii xumaanayso, iyagoo caro ka muujinaya tillaabooyinka cagsiga ah ee dowladdooda.

Hadalsame Media