ADDUUNYO: QM oo markii ugu horreeysey taariikhda kaalmo cunto ah ka qaybinaysa Ingiriiska

0

(London) 16 Dis 2020 – Markii ugu horreeysey taariikhda ayay hay’adda Carruurta ugu qaybsan QM ee UNICEF waxay bilowday inay jawaab deg deg ah ka bixiso dhibaatada cunto ee carruurta UK ee ay saameeysay xasaradda dhaqaale ee cudurka COVID-19.

UNICEF ayaa xaaladdan ku mitaashey middii Dagaalkii 2-aad ee Dunida, iyadoo tan iyo bilowgii handaraabkii 1-aad ee Maarso ay qoysas badani la legdamayaan sidii ay carruurtooda u quudin lahaayeen kaddib markii ay shaqooyin badani meesha ka bexeen.

Bishii Maajo, YouGov ayaa sahan ay samaysay oo ay taageeraysey Food Foundation ku ogaatey in 2.4 milyan oo carruur ihi (17%) ay ku nool yihiin guryo aysan hubanayn inay cunto ku filan ka helayaan, iyadoo bishii Oktoobar 900,000 oo carruur ah oo dheeraad ah lagu daray ciyaalka u baahan inay iskuullada ka helaan cunto bilaash ah.

UNICEF ayaa sidaa darteed haatan ballan qaadday inay £25,000 oo gini siiso hay’adda School Food Matters si kumannaan carrruur ah quraacda loogu helo muddo 2 todobaad ah inta lagu jiro fasaxa Ciidda Masiixiga, gaar ahaan qoysaska aadka u nugul ee Southwark, koonfurta London.

Waxaa la qaybinayaa kartoonno uu midkiiba ka kooban yahay quraac 10 maalmood loogu tala galay carruurta.

“Waa markii ugu horreeysey ee aanu arkayno xaaladdan aan abid horay loo arag, marka waa inuu qof kastaa u xaytaa sidii loo kaalmayn lahaa qoysaska iyo carruurta aadka u baahan xilligan.” ayay tiri Anna Kettley, oo ka tirsan UNICEF UK.

Hadalsame Media