SADARRADA DHEXDOODA: Laba arrimood oo muhim ah oo micne tiraya xiriirka ay DF Somalia u jartay Kenya (Kenya ma waxaa loo maagayaa dan qaran mise dan qof?)

0

(Nairobi) 15 Dis 2020 – DF Somalia ayaa sheegtay inay si rasmi ah xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jartay dalka Kenya, iyadoo usoo jeedisey inay 7 maalmood dalka uga saaraan diblomaasiyiintooda.

DF ayaa ku doodaysa inay Kenya faragelin ba’an ku hayso arrimaha gudaha Somalia, gaar ahaan doorashada madaxtinnimada dalka oo uu muran badani ka joogo.

Haddaba, marka la eego sida loo maareeyo xiriirrada caalamiga ah iyo diblomaasiyadda dalalka ka dhexeeysa, Ciidanka Kenya oo iskugu jira kuwo ka tirsan AMISOM oo ay ku biireen kaddib markii ay iskood ugu duuleen Somalia iyo kuwa aan ka tirsanayn, waxay si otomaatig ah u noqonayaan ciidamo cadow ah oo dhulka ay joogaan xoog ku haysta.

Sida aad qoraalka sare ka aragtaan, war saxaafadeedka marna laguma xusin waxa laga yeelayo Ciidamada Kenya ee ku jira gudaha Somalia isla markaana sida ka muuqata war lagu qoray webka Radio Muqdisho faragelinta Kenya lagu tilmaamay mid ”dhowaan gal ah”, taasoo ka hor jeedda xaqiiqada ah in ay haatan 10 sanadood kusii dhowdahay.

Sida uu u erayaysan yahay (wording) War Saxaafadeedka, waxaa kale oo laga garan karaa in tillaabooyinka is xiga ee ay qaadayso Madaxtooyada Somalia ay ku ligan yihiin oo qura wax loo arko ”Kenya oo halis ku ah” soo noqoshada MW Farmaajo iyo dib u doorashadiisa, balse aanba war u haynin ama aan dan ka lahayn dhibaatootinka ay Kenya mudda dheer ku haysey Somalia, sida duqaynta, dilka, jejebinta kaabayaasha isgaarsiinta Hormuud iwm, taasoo ay ahayd in mar hore tillaabo laga qaado.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media