Midka mudaaharaadka maxasta madaxnimo ku raadinaya midka rasaaseeynaya waa laba MADAX-YARE

0

(Hadalsame) 15 Dis 2020 – Marka aad mudaaharaad maqasho waxaa markiiba qaybta xusuusta ee maskaxdaada kasoo maaxanaya haween iyo carruur, waa sababta qura ee dibedbaxyada Somalia ay uga duwan yihiin kuwa caalamka.

Waxaa halkaa ka muuqata in ragga gadaal ka taagan dibedbaxyadu aanay runtii ka tarjumaynin rabitaanka shacabka oo ay u adeegsanayaan oo qura wax aan ka badnayn fan-hadal siyaasadeed.

Saakay waxaa Muqdisho ka dhacay waa wax laga xishoodo oo ceeb wejiga saaran ku noqonaysa labada dhinac ee kala ah madaxda DF ee xilka dalka haatan haya, iyo musharrixiinta haatan doonaysa.

Waloow eedda qayb ahaan loo celin karo shacabka dabka la saarayo ee lagu bislaysanayo cidka siyaasadeed ee qurmey, misna taasi meesha ka saari mayso madaxda labada dhinac ee is haya oo muujinaya in murugtooda koowaadi ay tahay sidii ay kursiga ku HAYSAN lahaayeen ama ku HELI lahaayeen, balse aan shacab cidna dan ka lahayn, isaguna iska lahayn.

Sababtu waxay tahay midna wuxuu yiri dibedbaxa inta xaafaddiisa iskaga nastay si uu ribix siyaasadeed ugu raadiyo, midna wuxuu la dhacay rasaas isagoo ka xeerinin inay xaq tahay inay dadku dibedbixi karaan sax iyo khaladba.

Umaddu uma baahna laba madax-yare oo aanu midkoodna u turaynin.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments