Maraykanka oo dabbaqay khariidad cusub oo Marooko ku dareeysa Galbeedka Saxaraha oo go’itaan doonaysa (Israel oo u sabab ah)

0
David T. Fischer (L), US Ambassador to the Kingdom of Morocco, and his wife Jennifer (R) stand before a US State Department-authorised map of Morocco recognising the internationally-disputed territory of the Western Sahara (bearing a signature by Fischer) as a part of the North African kingdom, in Morocco's capital Rabat on December 12, 2020. (Photo by - / AFP) (Photo by -/AFP via Getty Images)

(Rabaad) 14 Dis 2020 – Maraykanka ayaa qaatay khariidad cusub oo muujinaysa in gobolka Galbeedka Saxaraha (Bulsaariyo) uu qayb ka yahay dalka Marooko.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Rabaad, David Fisher, ayaa tillaabadan uga dhawaaqay Safaaradda dalkaasi Maraykanka.

“Maabka cusub ee Marooko waxaa ogolaaday MW Donald Trump kaasoo gartay in Gobolka Saxaruhu uu qayb ka yahay Boqortooyada Marooko,” ayuu yiri Fisher.

Go’aanka Washington ayaa salka ku haya xiriirka ay Marooko la samaysatay Israel oo ah dal saamayn xooggan muddo dheer ku lahaa siyaasadda dibedda Maraykanka, taasoo aad uga sii dartay beryihii maamulka haatan ee Trump.

Kooxda Polisario Front, ayaa ku baaqaysa in afti laga qaado shacabka ku dhaqan Galbeedka Saxaraha, halkaasoo tan iyo 1975-kii oo ay ka bexeen Spanish-ku ay isku hayeen iyaga iyo Dowladda Marooko, waxaana ay xaaladdu isu rogtey khilaaf hubaysan 1991-kii, waloow markii dambe lagu heshiiyey xabbad joojin, iyadoo gobolka Guerguerat loo aqoonsaday goob ciidanka ka caaggan.

Yeelkeede, dhamaadkii bishii hore, Polisario Front ayaa sheegtay inay burtey xabbad joojintaasi, kaddib markii ay Ciidanka Marooko isku dayeen furitaanka marinka Guerguerat oo ay xireen malliishiyaad u daacad ah Polisario 21 Oktoobar.

Hadalsame Media