”Kenya hal mid ka aqbali mayno!” – MW Muuse Biixi oo muujiyey mowqifkiisa ku aaddan muranka Somalia & Kenya

0

(Nairobi) 15 Dis 2020 – Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuusan raalli ka noqon doonin in loo adeegsado dalka Somalia.

Biixi ayaa booqasho 3 maalmood ah haatan ku jooga Nairobi isagoo lagu wado inuu la kulmo madaxda dalkaasi Kenya oo uu ku jiro MW Kenya, Ahuru Kenyatta.

“Innagu Soomaali ayaynu nahay, waxaan isu qabnaa in aan nahay kuwii Soomaali meel ay joogtaba wax tari lahaa, ee aan wax yeeleyn,” ayuu ku dooday Md Muuse Biixi.

”Waxa labada dal [Kenya iyo Somalia] ka dhaxeeya haddii ay dhexgal waayeelnimo naga codsadaan, waynu kala dhex galeynaa, in aan xallino iyaga oo wada socda, haddii uu dal qur ihi naga codsadana dhex geli meyno. Middaa Kenya-na, noo quuri meyso kana aqbali meyno, annaguna ma nihin dad loo adeegsado dad kale.” Ayuu ballan qaaday Md Biixi.

MW Muuse Biixi ayaa u muuqda nin ka jawaabaya guuxa dadwaynaha ee ah in Somaliland aysan lahayn qorshe siyaasadeed oo moowduuci ah, balse ay hadba u ordaan dalkii ay Somalia is qabtaan, iyagoo sidan oo kale Nairobi tegey mar ay beri dhowayd kacsanayd xaaladda Somalia iyo Kenya oo u haliilaysa dhul Soomaaliyeed, taasoo berri kusoo noqon karta isla Somaliland lafteeda.

Hadalsame Media