Ruushka oo tijaabiyey gantaal-badeed naadir ah oo 8-jeer guuxiisa ka dheereeya (Daawo)

0

(Moscow) 14 Dis 2020 – Ciidanka Badda Ruushka ayaa ku guulaystey tijaabada gantaal markab-dile ah oo la yiraahdo Zircon, kaasoo laga ridey markab nooca frigate-ka ah oo maraya Badda Cad.

Gantaalka Zircon oo ah nooca guuxooda ka dheereeya oo laga ridey markabka Admiral Gorshkov, oo ah markab casri ah oo howlgalay 2018-kii, ayaa loo arkaa mid bedeli doona awoodda istaraatijiga ah ee Ciidanka Badda dalkaasi.

Gantaalkan oo 8-jeer guuxiisa ka dheereeya ayaa lala helay bartilmaameedkiisii oo ah Chizha oo ku taalla Gobolka Arkhangelsk, isagoo gaarey masaafadii loo asteeyey oo ahayd 350km.

Waa markii ugu horreeyey oo berriga lagu tijaabiyo gantaalkan, iyadoo laba mar oo hore bartilmaameedyo badda uun ah lagu ridey. MW Ruushanka, Vladimir Putin, ayaa 2019-kii sheegay inuu gantaalkani 9-jeer guuxiisa ka dheerayn karo, isagoo cadowga ugu tegi kara masaafo jirta 1,000 KM.

Waa gantaal badeedkii ugu horreeyey ee guuxiisa ka dheereeya caalamka oo idil, waxaana lagu hubaynayaa Ciidanka Badda Ruushka marka ay tijaabooyinku dhamaadaan.

Faa’iidada istaraatijiga ah ee gantaalaha guuxooda ka dheereeya oo uu haatan Ruushku uga horreeyo dalalka kale ayaa marka xawaarihiisa badan la eego waxaa adkaanaysa inay raadaarradu arkaan, isagoo awood u leh inuu ka boxo jawigan caadiga ah ee dhulka (earths atmoshpehere) ee uu misna kusoo laabto.

Hadalsame Media