QAB AAN LAGUU QABIN: Dhibka kala gaarey ardaydii Soomaaliyeed ee wax ka baran jirtey Soofiyeetka & nidaamkii halkaa ka jirey (Qaybtii 1-aad)

0
Russian soldiers march along Red Square during a rehearsal for the Victory Day military parade in Moscow, Russia, Tuesday, May 7, 2019. The parade will take place at Moscow's Red Square on May 9 to celebrate 74 years of the victory in WWII. (AP Photo/Alexander Zemlianichenko, Pool)

(Hadalsame) 14 Dis 2020 – Qormadii aan shalay ka qoray buugga “The Road to Zero: Somalia’s Self-Destruction” ayaa waxaa ku jirtay dhacdo dhexmartay ardaydii Soomaaliyeedna ee Shiinaha wax ka baran jirtay horraantii 1960-aadkii taas oo ahayd markii dawladda Shiinuhu abaabushay bannaabax gumaysidiid ah oo ay dhigaan ardayda Afrikaanka ahayd ee dalkooda wax ka baranaysay ayaa ardaydii Soomaalidu go’aansadeen in gumaysiga lagu bannaanbaxayo lagu daro Itoobiya taas oo Shiinaha iyo ardaydii Afrikaanku diideen ugu dambaynna sababtay in ardaydii Soomaalidu bannaanbaxa ka baaqdaan.

Waxaa kale oo qormada ku jiray kulan dhexmaray Danjire Maxamed Cusmaan Cumar oo Suudaan inoo joogay iyo danjirihii Soofiyeetka u joogay Suudaan kulankaas oo hadallo adag labada nin ku mareen Danjire Maxamed Cusmaanna uu ninkii Ruushka ahaa ugu sheegay in sheegay in uu yahay nin qab leh, waa Danjire Maxamed Cusmaan’e.

Arrintaan waxa ay i xasuusisay qormo qoraa Ruush ah oo lagu magacaabo Lyubov Ivanova ka qortay noloshii ardaydii Soomaaliyeed ee wax ka baran jirtay dalkii Midowga Soofiyeeti sannadkii 1960-1978 kaas oo magacdhawgiisu ahaa “Somali Students in the Soviet Union 1960-1978”.

Qoraagu waxay qormadeeda uga sheekaysay dabeecadihii ardayda Soomaalida ee Soofiyeetka joogtay, ismaandhaafkii iyo isfahamdarradii dhexmartay ardayda Soomaalida iyo dawladda Soofiyeetka, iyo guud ahaan shacabka Soofiyeetka. Dhacdoonka qormada Ivanova warinayso iyo tan dhexmartay Shiinaha iyo ardaydii Soomaalida isu ekaansho ayaa ka dhexeeya taas oo igu dhalisay in aan mawduucaan wax ka iraahdo aniga oo inta badan soo xiganaya ama qormada Ivanova oo si faahfaahsan u faaqidday xiriirkii ardayda Soomaalida ee Soofiyeetka ku sugnayd iyo shacabka iyo dawladdii Soofiyeetka kaas oo ahaa xiriir kakan oo marmar gacan-ka-hadal gaaray, marmar kalana xiriirka labada dawladood (Soomaaliya iyo Soofiyeet) mugdi galin gaaray.

Sababaha xumaynayay ama adkaynayay xiriirka ardayda Soomaaliyeed iyo shacabka iyo dawladda Soofiyeetka Ivanova waxay u saarisay dhawr sababood oo ay ka mid ahaayeen:

Filashada ardayda Soomaalida oo ahayd mid aad u sarreeysa iyo runta taallay dalka Midowga Soofiyeeti oo aad u kala duwanaa, cunsuriyad ama takoor ay shacabka Soofiyeetku ku hayeen dadka madow, xorriyad la’aan hadalka ah oo dalka Soofiyeetka ka jirtay iyo barashada aragtida iyo mabaadi’da shuucinimada oo ardayda qasab looga dhigay taas oo qaar ardayda Soomaalida ka mid ahi aad u necbaayeen, iyo gudashada waajibaadka Islaamka oo ardayda muslimiinta ku adkayd taas oo ardayda Soomaalidu aad uga cawdeen.

Ardayda Soomaalidu waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu cadcad ugu na firfircoon dhammaan ardayda Afrikaanka ee Soofiyeetka joogtay. Ardayda Soomaalidu ma ahayn kuwa u dulqaata oo yeela wax walba oo ay qalad u arkaan (Ivanova, 2019) taasina waxay foodda isku galisay ardaydii Soomaalida iyo maamulkii Soofiyeetka gaar ahaan maamulka goobaha ay ardaydu wax ka baranayeen.

Sannadkii 1960-kii guddigii ardayda Midowga ee Soofiyeetka joogay waxay warqad cabasho ah u direen maamulka Soofiyeetka sidaa oo kalana boqollaal nuqul (copy) ayaa lagu faafiyay jaamacadda Moscow State University.

Ardaydu waxay farriinta warqaddooda uga cabanyeen takoor ka dhan ardayda Afrikaanka ah ayaga oo maamulka faray in ay arrintaas wax ka qabtaan.

Tixraac: Gerald Hanley. Worriors Life and Death Among Somalis.

Lyubov Ivanova. Somali Students in the Soviet Union (1960-1978).

Maxamed Cusmaan Cumar. The Road to Zero: Somalia’s Self-Destruction.

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyay: Cali M. Diini

Hadalsame Media