”Mahadsanid Madaxwayne!”: Donald Trump mid buu ku ”mahadsan yahay” ee ma taqaan midda ay tahay?

0

(Hadalsame) 14 Dis 2020 – Mahadsanid mudane madaxweyne Donald Trump! Toban jeer mahadsanid oo toban sababood ku mahadsanid.

Ku mahadsanid haddii aannu Afrikaan nahay in aad isku kalsoonidayada dhimatay noolaysay, oo hankayaga kor u qaadday. Dadnimadayada waannu ka quusannay adiga hortaa, oo wax aannu rumaysannay in aannu idinka caqli iyo akhlaaq hoosaynno, keligayana mudan nahay hoggaamiye waalan oo macangag ah.

Wax aannu moodnay sababta madaxweyne kasta oo na ga soo baxaa u noqdo bahal dulli ah in ay tahay in aan annagu nahay bulsho bahal ah oo dulli ah.

Ku mahadsanid in aad na tustay in idinkaba kuwayaga oo kale idinka soo bixi karaan. Wax aad na tustay in aydaan na ga dadnimo sarrayn ee aad keliya na ga dawladnimo horrayseen, oo soo dhaxasheen hannaan iyo sharci kelitaliyaha xakameeya.

Wax aad na xusuusisay Hitler, Mussolini, janan Franco iyo macangagyadii la nooca ahaa in aanay taariikhda reer Galbeed ka ahayn buro xun oo ka soo baxday ee dabcigeeda ka mid ahaayeen.

Wax aad caddaysay in haddii waqtigu kuu oggolaan lahaa aad dhigi lahayd fajicisooyin waaweyn. La ga yaabee in aad Muslinka dalkaaga u foornayn lahayd tabtii Hitler u foorneeyay Yuhuuddii dalkiisa, la gana yaabee in aad umaddaada u halaagi lahayd sidii ay noo halaageen Afweyne, Mengistu, Qaddaafi iyo bahalihii la midka ahaa.

Ku mahadsanid in aad na tustay eeddu in aanay ahayn bulshadayada ay kuwaasi ka soo baxeen ee eeddu tahay marxaladda taariikheed ee aannu maraynno.

Ku mahadsanid in aad na bartay wax aannu u baahan nahay in aanay ahayn hiifidda macangagyada iyo maangaabyada na rogay, ama aanay ahayn haaraamidda dadkayaga waxaasi ka dhasheen, ee u baahan nahay dhisashada hab dawladeed oo adag oo leh sharci iyo hay’ado na ga ilaaliya bahalaha iyo burburka.

Ku mahadsanid in aad ceebtayada na tustay, oo aad noo noqotay cibro iyo tusaale aannu wax ku qaadanno.

Thank You Mr. President Donald John Trump!

Waxaa Dhigay: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media