JIDKII LAFAHA: Google Map oo ku ceeboobey wiilal uu siiyey tilmaan khalad ah oo uu mid ku dhintay meel ka mid ah kuwa ugu qabow caalamka (Tillaabo uu qaaday)

0

(Moscow) 14 Dis 2020 – Google ayaa liiska khariidadihiisa ka saxay khalad lagu qatalmay, isagoo haatan musaafuriinta kula talinaya inay 3 saacadood oo dheeraad ah ku daraan safarkooda magaalooyinka Bariga Fog ee Ruushka ee Yakutsk iyo Magadan, kaddib markii ay laba darawal ay ku ajarmeen jidkaa laga guurey oo uu heerkulkiisu yahay -50 Celsius.

Kaddib markii muddo todobaad ah la baadi goobayey, waxaa la helay maydka wiil 18-jir ah oo dhallinyaro ah oo uu maydkiisu dhagaxoobey kaddib markii uu lumay kaddibna uu gaarigiisu ku hallaabay jid laga guurey oo ku yaalla meel u dhow Oymyakon, oo ah magaalo la deggan yahay midda caalamka ugu qabow.

Waxaa se yaab lahayd inuu badbaadey wiilkii la socdey isagoo loola cararay isbitaal u dhow, si looga daweeyo jir-barafoow (frostbite) ay nudayaasha qaarkood fariisteen, oo uu u dhiman lahaa haddii aan laga gaari lahayn. Gaariga ayaa waxaa ka xumaaday raayatooraha.

Google Maps ayaa awal dadka u tilmaami jirey Jidka Lafaha, kaasoo ay ilaha maxalliga ihi sheegayaan inaaan la isticmaalin muddo sanado ah, waloow farsamo ahaan uu yahay jidka ugu dhow isagoo safarka u dhexeeya Yakutsk iyo Magadan kusoo koobaya 31 saacadood taasoo 3 saac ka yar jidadka kale, balse maadaama aan jidkan barafka laga qaadin lana dayactirin waa halis wayn xilliyada jiilaalka.

Ruushka ayaan sidaa looga jeclayn khariidad sheegaha Google, marka loo eego midka Ruushku leeyahay ee Yandex.Maps kaasoo leh app u degsan 50 milyan oo qof, kuna fiican tilmaamidda gudaha Ruusha marka loo eego camaaliqada tiknolojiyadda ee Maraykanka.

Jidka Kolyma Highway, oo lagu naynaaso ”Jidkii Lafaha” ayaa xilligii Soofiyeetka lagu dhisay shaqaale khasab lagu keenay iyadoo ay kumannaan halkaa ku dhinteen, waxaana dhallinyarada midkood dhintay laga helay meel fogaan jirta 420 km kaddib markii ay lumeen deetana uu gaarigii ka xumaaday.

Gaarigii ay wiilashu wateen
Haweenay ag mareeysa gaari barafoobey magaalada Bariga Fog ee Ruushka dhacda ee Vladivostok

Hadalsame Media