Dagaal rasaas la adeegsadey oo Kuwayt ku dhex maray dad muwaadiniin ah & Soomaali halkaa ku nool (Maxaa ugu dambeeyey?)

0

(Kuwait City) 14 Dis 2020 – Kuwayt ayaa bilowday baaritaan ballaaran oo lagu samaynayo dagaal rasaas la adeegsadey oo dhex maray muwaadiniin Kuwayti ah iyo Soomaali dalkaa ku nool.

Dagaalka ayaa ka dhaca Maamulka Al Jahara, oo qiyaastii 50 km galbeed kaga beegan caasimadda Kuwait City, wuxuuna ka bilowday isku dhac dhex maray 22-jir Kuwayti ah iyo 20-jir Soomaali ah, sida lagu faafiyey Al Anba.

Markiiba se, waxaa dagaalka kusoo biiray laba saf oo feer isla dhacay, balse xabbad baa la ridey, waxaana markiiba goobta soo gaarey booliiska oo helay qori iyo khasnad maran.

ROONDO CUSUB – Qolka Howlgallada ee Wasaarad Gudeedka dalkaasi ayaa qayladhaani soo gaartey saqdii dhexe kaddib markii ay dooddu ka bilaabatay bannaanka Masjidka wayn ee Al Jahara, waxaana markiiba meesha gaarey booliiska oo xaaladda caadi kusoo celiyey, sida ay ilo amaan sheegayaan.

Sida ay isha amaan sheegayso “lama yaqaanno qofka rasaasta ridey sidoo kalena waxaa ay waxyeello soo gaartey labadii wiil ee uu dagaalku ka bilowday.”

Booliiska oo aan tafaasiil ka bixin cidda ay xireen ayaa weli raadinaya rag kale, sidoo kalena weli lama oga sababta uu dagaalkani salka ku hayey.

Hadalsame Media