Tillaabo uu MW Farmaajo Kenya la damacsan yahay oo laga dayriyey & waxa ka dhalan kara

0

(Nairobi) 14 Dis 2020 – MW Somalia, Maxamed Farmaajo, ayaa doonaya inuu Kenya saaro cadaadis iyo xayiraad kale haddii buu yiri ay Kenya sii waddo faragelinta ay ku hayso doorashada Somalia ee aan weli la hubin inay qabsoomayso Febraayo.

Sida uu qoro Standard Digital, ilo ku dhow MW Farmaajo ayaa sheegay in ugu yaraan 100,000 oo Kenyan ihi ay ka shaqaystaan qaybo kala duwan oo Somalia ka tirsan, kuwaasoo halis ugu jira inay shaqooyinkooda waayaan, haddii Kenya loo asteeyey dal cadow ah ahaan oo xiriirka loo jaro.

“MW Farmaajo wuxuu dhaqse Kenya ugu sheegi doonaa inay tahay dal cadow ah taasoo ka dhigan inay shaqooyinkooda waayi doonaan in ka badan 100,000. Dowladda iyo WAD Kenya waa inay ka hor tagaan xasaraddan.” ayay leedahay ishu.

Nairobi ayaa Somalia ku eedeeysay ”munaafaqnimo”, maadaama ay Jaadka Kenya sheegtay inay u joojinayso cudurka Covid-19 dartii, balse Hareeriga Itoobiya loo furay Somalia, ayuu qoray Standard Digital isagoo tixraacaya Jaadka Kenya oo xiran ilaa Maarso.

Dowladda Kenya ayaa waxaa horraanba cadaadis badani ka saarnaa kumannaanka qof ee ku shaqo beelay Jaadka la joojiyey, iyadoo dhowaanna lasoo rogey in la joojiyey fiisihii ay imaanshaha ku qaadan jireen Kenyaanku.

Soomaali badan ayaan se haatan la dhacsanayn sida uu wax ku wado nidaamka Farmaajo iyo isku dhufashada uu sameeynayo, dadkaasi waxay qabaan inay Dowladda ku taageersan yihiin la xisaabtanka Kenya, balse arrinta miisaan la saaro.

Midda hore, haddii la eego 100,000 oo Kenyan ah oo Somalia ka shaqaysta, waxaa jira milyan ka badan ku nool Kenya, kuwaasoo kusoo jeesan doona DF haddii laga soo eryo Kenya iyada oo aan wax biddaal ah daaye aan xitaa amaan loo haynin, waayo Kenya waa qaadaysaa tillaabooyin dabaaqid ah.

Waxaa dheer in ay dad badani qabaan in tillaabooyinkan loo adeegsanayo in lagu marin habaabiyo ra’yul caamka xilliga doorashada ee haddii Kenya lala xisaabtamayo ay mar hore kaga habboonayd xilligan kala guurka ah.

Dad kale ayaa sidoo kale qaba in Somalia oo ah dal soo kabanaya isla markaana aan midaysnayn aanay ku habboonayn inuu samaysto cadowyo badan oo gaarsiin kara jugo siyaasadeed oo ka xoog badan kuwa Somalia ay hadda gaysan karto, isla markaana ay wanaagsan tahay in, iyada oo aan madaxa la dhiibanaynin, misna la is dejiyo inta ugu yaraan dalku dhan isu wada raacayo.

Hadalsame Media