”Somalia waxay weli la’dahay hoggaan la iman kara dhaqan siyaasadeed cusub si looga qaado halka ay taal!”

0
"How refreshing to meet an honest politician."

(Hadalsame) 13 Dis 2020 – Bur bur dad iyo dawladnimo oo ku raagey ka dib, wexey Soomaalidu weli baadi goobeysaa, hoggaankii halka ay taal ka rari lahaa.

Hoggaan la iman kara: dhaqan siyaasadeed oo cusub, hanaan shaqo oo cusub iyo xulasho dad cusub. Hayeeshee mid kasta oo (alalaas iyo ii geeya lagu soo dhoweeyo) 4 sano wexey ka dhamaataa, isagoo laga niyad jabay, reerkuna weli meeshii yaal, natiijada guudna is beddelin, sababtuna waa isaga oo aan waxba ka beddelin dhaqankii lagu jabay, dadkii lagu jabay iyo shaqadii lagu jabay.

Afar sano oo kale ayaa hadda dhamaatay lamana guurin, qarax lagama guurin! askari dadka dilaya lagama guurin! gaari aan xabaddu karin lagama guurin! (Muqdisho & Jowhar) (90 km) diyaarad u kala raac (duul oo deg) lagama guurin! beled xaawo (diyaarad) ku tag, garbahaarey hadaad rabto (120 km) Xamar (diyaarad) ugu noqo oo haddana (diyaarad) ku tag lagama guurin!

Wasiir iyo xildhibaan hay’ad shisheeye u (qada doonta) oo ay sidii (jinnigii) ka dhex hadasho, (dawlad) baan ahay ku leh lagama guurin! Wasiir iyo xildhibaan qaran oo baasaboor shaqo sita haddana dal shisheeye (iqaamad) ka baryaya oo misana in la qaddariyo sugaya lagama guurin! Codka iibso, oo sii iibi, oo kala iibi, oo wada iibi, malaayiin lacag ah ku bixi, dadkuna cabsi iyo cudur iyo cunto la’aan ha u le’daan lagama guurin!

Haddaba 4 sano oo soo socota malla guuri doonaa? Ilaahay baa og, laakiin ilaa hadda ma muuqato, hadaan ummadda ferej kale ilaahay u bixin, iyana aaney fekerin.

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media