”Waxaan qarka u saaran nahay inaan bixin wayno mushaharka laacibiinta!” – Horyaalka Faransiiska oo wajahaya xaalad dhaqaale oo cabsi leh + Sawirro

0

(Paris) 13 Dis 2020 – Horyaalka Faransiiska ayaa qarka u saaran xasarad dhaqaale oo halis ah kaddib markii ay soo baxday xog sheegaysa in hilinka ugu wayn ee baahiya ciyaarahaasi loo xiri doono si dhaqse ah.

Sida uu faafiyey Get French Football News, shaqaalaha ayaa lagu wargeliyey in shirkaddan oo la dhisay 4 bilood kahor sida ugu dhaqsaha badan loo xiri doono. Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa L’Equipe ku yiri: ‘Waxaa naloo sheegay inaan hadda kaddib arrintaa la qarin karin.’

Ligue 1 faces severe financial implications with the news that Telefoot Chaine could collapse

Ligue 1 ayaa sidaa darteed halis wayn oo dhaqaale ku jira haddii albaabada loo laabo hilinka Telefoot Chaine oo leh xuquuqda asaasiga ah ee Horyaallada Ligue 1 iyo heerka 2-aad ee Ligue 2, oo ay ku gateen £2.5bilyan oo gini muddo 4 sanadood ah.

Sharikadda hilinkan iska leh ee Mediapro ayaa diiddan inay bixiso lacagaha ay kooxuhu ku leeyihiin, gaar ahaan kuwa Horyaalka heerka koowaad ee Ligue de Football Professionnel oo haatan 2 bilood soconaya.

Degdegta xaaladda ayaa laga garan karaa in xitaa dood la geliyey awoodda uu hilinkaasi u leeyahay inuu baahiyo ciyaarta caawa ee Paris Saint-Germain iyo Lyon on Sunday taasoo ka mid ah kulamada ugu kulul horyaalka dalkaasi.

There is a possibility that the match between Lyon and PSG on Sunday may not be televised

Mid ka mid ah milkiilayaasha kooxaha Faransiiska ee dheela Ligue 1 ayaa cabsi ka muujiyey sida ay usii taaqtaaqi doonaan haddii aan lacagaha maqan la helin ugu dambayn Febraayo.

MW Reims, Jean-Pierre Caillot, ayaa Le Parisien u sheegay: ‘Haddii aanu horyaalku dayn cusub helin, taasoo ay haatan adag tahay in la hubo, waxaa jiri doona kooxo Febraayo ama Maarso aan bixin kari doonin mushaharka laacibiintooda iyo shaqaalohooda.’

Hadalsame Media