”Waxaa noo yeedhay Jaadwale” – Shacabka Somaliland oo ka fal-celiyey booqashada Biixi ee Nairobi

0

(Nairobi) 13 Dis 2020 – Waxaa Kenya booqasho ku tegey Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaasoo maanta ka degay magaalada Nairobi oo si heer hoose ah loogu soo dhoweeyey.

Wasaarada Arrimaha Dibedda dalkaasi Kenya ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku muujisay in si heer hoose ah loo soo dhoweeyey Madaxweynaha Somaliland uu soo garoonka ku qaabiley sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo la yiraahdo Ababu Namwamba.

Sida Hadalsame fahamsan yahay, Kenya Biixi uga faa’iidaysanaysa laba arrimood oo ay midi tahay inay ku coociso DF Somalia, halka ay isla markaa uga faa’iidaysanayso in laga iibsado Jaad badan oo ku baarsan kaddib markii laga xirey suuqa ugu wayn Somalia oo ah midka Xamar, sida ka muuqata Guddoonka Jamciyadda Jaad walayaasha Kenya oo weli rajo ka leh suuqa wayn ee Muqdisho.

Haddaba, shacabka hoos taga Maamulka Somaliland ayaa ra’yigooda ka dhiibtey sida ay u arkaan booqashada Biixi:

”Peter munya, wasiirka wasaaradda beeraha ee kenya, ahna governor kii hore ee is maamulka meru oo ah deegaanka qaadka aad uga baxo, ayaa soo dhaweeyay Md. Biixi iyo wafdigiisiba….taas waxay ila tahay in loo gogol xaadhayo uun sidii suuq loogu heli lahaa qaadka baary ee Miirooga.” ayuu yiri Xasan Maxamed.

”Odaygii MA wuxuu aqoon si u raad saday wiil miirooga iibiya alow sahal ayey somaliland ku jirtaa iyo is maqiiqid Aan geedna loogu soo gabban.” ayay tiri Amran Caydaruus.

”Bahdil kawayn ma arag!!! Mida maanta kadhacday dalka Kenya, war biixiyaw mesha waad nagu bahdishay!!!?” ayuu soo qoray Maahir.

”Maanu xishonayn ninkan Muuse” ayay is waydiisey Suleekha Aadan.

”Inuu tago maba ahayn, calankii awaay?” ayuu soo qoray Idriis Cabdi.

Hadalsame Media