”Waxay moodeen inay i aamusin karaan!” – Gabar ka mid ah weriyeyaasha Al Jazeera oo maxkamad caalami ah la fuushay MBS & MBZ

0

(Dooxa) 12 Dis 2020 – Weriyaha caanka ah ee Al Jazeera TV warka ka aqrisa ee Ghada Oueiss ayaa dacwad rasmi ah ka galaysay dalka Maraykanka, taasoo ka dhan ah dhaxal sugayaasha Sucuudiga iyo Imaaraadka Mohammed bin Salman iyo Mohammed bin Zayed, kuwaasoo ay ku eedeeysay inay jabsadeen telefoonkeeda si ay u wiiqaan sumcadeeda iyo mihnadeeda saxaafadeed.

Dacwaddan ayaa laga xareeyey Degmada Koonfurreed ee Gobolka Florida, waxaana MBS iyo MBZ kula jira saraakiil sare oo labadaa dal u dhashay iyo xitaa muwaadiniin Maraykan ah, si loo waxyeelleeyo doorka gabadhan oo tooshka ku shidda meel ka dhacyada labadan nidaam ee kali taliska ah.

“Ms Oueiss waxay dacwad ka keentay in la jabsaday telefoonkeeda xogeheedana si sharci darro ah loo faafiyey. Qof katsa oo ka dambeeya sharci darradan waa in wax laga waydiiyaa.” ayaa ku dhigan warbixinta dacwadda ah ee loo gudbiyey Maxkamadda, sida uu qorayo The Hill.

Bishii Abriil ayaa baraha bulshada lagu faafiyey muuqaallo ay leedahay gabadhan, waxaana ka mid ahaa mid ay xiran tahay dharka dabaasha oo u muuqdey kuwo qaawanaan xigeen ah.

Hadalsame Media