Shirkadda PayPal oo macaamiisheeda lacag khidmad ah kusoo rogeeysa & arrin ay ka digayso

0

(San Jose, CA) 12 Dis 2020 – Shirkadda PayPal ayaa lacag dhan £9 gini oo khidmo ah kusoo rogi doonta macaamiisha “caajiska ah” ee koontooyinkoodu ku xiran yihiin adeegyada PayPal, gaar ahaan kuwa aan waxba ku isticmaalin muddo sanad ah, balse ay khasnadohooda lacago ku jiraan.

Wixii ka bilaabma Arbacada soo aaddan oo ah 16 Diseembar, ayaa waxaa la bilaabi doonaa qaadista lacagtan oo si sanadle ah loo qaadi doono.

PayPal ayaa koontada mid fadhiid ah u arki doonta haddii aanu macmiilku helin, dirsan, lacag la bixin, wax iibsan, ama ugu yaraan aanu koontadiisa furin muddo sanad ah ama ka badan, taasoo ka dhigan in haddii aadan fadhiid ahayn aan lacag lagaa rabin.

Lacagta ayaan sidoo kale laga doonaynin qofkii aysan khasnaddiisa lacagi ku jirin waqtigii uu doono fadhiid ha ahaado e, kaasoo uu koontadooda PayPal ku xiran yahay kaar credit ama debit ah.

DIGNIIN – PayPal ayaa dhanka kale macaamiisha uga digaysa inay jiraan dad arrintan ka faa’iidaysanaya oo soo geli kara koontadaada, sidaa darteed, waxaa loogu baaqayaa inaysan gujin mareegaha loosoo dirayo oo uga iman kara dhinacyo 3-aad, taa bidaalkeeda waa inaad toos u gashaa webka PayPal oo aad halkaa ka gashaa koontadaada.

Hadalsame Media