Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo xukuntay inay MAGDHOW dalban karaan Muslimiinta duullimaadka laga mamnuucay (Soomaali ka faa’iidaysan karta)

0

(Washington, DC) 12 Dis 2020 – Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa xukuntay in Muslimiinta Maraykana ee loo diidey inay safraan kaddib markii ay FBI-da ka diideen inay u basaasaan Muslimiinta kale ay haatan dacwayn karaan wakiillada FBI ay ku xad gudbey xorriyaddooda diimeed.

Go’aankan ayaa loo xukumay dacwoodaha Muhammad Tanvir, oo ah sharci yaqaan deggan magaalada New York kana soo jeeda Pakistan, kaasoo diidey inuu basaaso Muslimiinta kale kaddibna lagu qoray liiska madoow, taasoo ka dhigan in aanu safri karin.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay dadka ay sidani ku dhacday ay xaq u leeyihiin magdhow, maadaama lagu tuntay xeerka RFRA [Religious Freedom Restoration Act].

“Noloshayda waxaan ku dhisay dalkan, marka go’aankani aniga kaliya muhim iima aha, balse wuxuu muhim u yahay qof kasta, ma doonayo in wixii ay FBI igu samaysay ay qof kale ku dhacaan.” ayuu yiri.

Kaddib markii uu diidey dalabka FBI oo ah hay’adda sharci oogista heer federaal, waxaa  Tanvir, oo ay wehliyaan Jameel Algibhah iyo Naveed Shinwari, lagu daray liiska dadka aan duuli karin.

Maadaama ay Soomaalidu ka mid tahay dadka la kulmi kara dhacdooyinka noocan oo kale ah, gaar ahaan 4tii sano ee Trump oo aad loogu tuntay xuquuqaha madaniga ah, waxaa wanaagsan inay arrintan bal eegaan.

Hadalsame Media