Hanti-dhowrka Qaranka oo madax sare ka dalbanaya inay soo celiyaan gaadiid ku maqan (Magacyada)

0

(Muqdisho) 12 Dis 2020 – Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray qoraal cusub oo ku saabsan gaadiid uu qaranku leeyahay oo ay iskala tageen madax xilal kala duwan ka qabtay ama ay qaar weli ka hayaan DF Somalia.

Qoraalkan ayaa dadka ay khuseeyso oo magacyadooda iyo nooca gaadiidka ku maqan la xusay laga dalbanayaa gaadiid ka maqan hey’addaha dowladda oo ay iyagu horay u qaateen.

Waxaa ragga ay gawaaridani ku maqan yihiin ka mid ah rag ka tirsanaa XF sida: Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta.

Waxaa sidoo kale ku jira Xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal sida: Daahir Amiin Jeesow iyo Senatar Ayuub Ismaaciil oo gaari ka diiwaan gishan Wasaaradda Maaliyadda uu ku maqan yahay iyo xubno kale.

Ragga la xusay ayaa laga dalbanayaa inay gaadiidkaa qaranka ay kusoo celiyaan muddo kooban oo 10 cisho gudohood ah.

Hadalsame Media