Afhayeenkii Usaama Bin Laaden oo London kasoo degey & sababta halkaa keentay

0

(London) 12 Dis 2020 – Afhayeenkii Osama Bin Laden ee Yurub ayaa ku laabtay dalka UK kaddib markii laga sii daayey jeel Maraykan ah.

Adel Abdul Bary ayaa laga soo musaafuriyey Maraykanka kaddib markii uu garsoore reer New York ihi xukumay in uu halis ugu jiro inuu ku dhoco cudurka Covid-19, isaga oo aad u buuran dartii.

Ninkan ayaa la sheegay in 1998-kii uu dayaacad fidiye u ahaa hoggaanka al-Qaeda, iyadoo ay Sirdoonka UK ee M15 ay u haystaan inuu ku lug lahaa qaraxyadii Safaaradaha Maraykanka ee Bariga Afrika.

1999-kii, dabagalka Scotland Yard ayaa xirey Bary iyadoo loo haysto 200 oo qof oo lagu diley Safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Dar Es Salaam, kaasoo xilligaa ahaa weerarkii ugu ballaarnaa ee ay al-Qaeda ku qaaddo hal bartilmaameed oo Maraykan ah.

Sii daynta ninkan ayaa loo cuskaday diiwaankiisa 14-sanadood oo uu ku xirnaa UK iyo hab-dhaqankiisa oo ”wanaagsanaa” intii uu ku xirnaa Maraykanka oo ay UK ku wareejisey.

Ninkan oo lasii dayn lahaa dhamaadka bishan ayaa yara lasoo hormariyey kaddib markii la ogaadey in culayskiisu uu xad dhaaf yahay, iyadoo hannaanka isu dhiganka dhererka iyo culayska ee loo yaqaan BMI uu yahay 36, waxaase la socon doona Booliiska oo kaashanaya Sirdoonka UK ee M15.

Hadalsame Media