Maraykankii la filayey inuu Somalia ka boxo oo soo diray bamarrada istaraatijiga ah ee B-52 & duqayn uu Somalia ka gaystey

0

(Barksdale) 11 Dis 2020 – Ciidanka Cirka Maraykanka ayaa shalay laba bamar oo ah kuwa istaraatijiga ah ee B-52 usoo diray Bariga Dhexe kuwaasoo kasoo duulay saldhigga Barksdale AFB ee Gobolka Louisiana waana tillaabadii 2-aad ee lagu yuraynayo Iiraan sida ay qoreeyso warbaahinta dalkaasi.

Bamarradan ayaan istaagin min Saldhigga Cireed ee Barksdale Air Force Base ee Louisiana ilaa Bariga Dhexe, iyagoo dhowr jeer shidaal ku qaatay hawada, taasoo muhim u ah Maraykanka istaraatiji ahaan.

Tillaabadan ayaa timid markii isla maalin ay Maraykanku duqayn ka gaysteen dalka Somalia oo ay dhowaan sheegeen inay ciidankooda ka qaadanayaan, iyagoo tilmaamay inay weerarka ku laayeen ”khubarada diyaarisa walxaha qarxa” ee inta badan shacabka aan waxba galabsan lagu gumaado, sida uu sheegay Taliska AFRICOM.

Maraykanka ayaa sheegay inay heleen xogo muujinaya inay kordheen dhaqdhaqaaqyada malliishiyaad xiriir la leh dalka Iiraan oo ku sugan dalka Ciraaq, sida uu sheegay sarkaal ciidan oo aan doonaynin in magaciisa la xigto.

Maraykanka ayaa horay u qorsheeyey in 2,500 oo askari ay kala baxaan Ciraaq iyo Afghanistan kahor bisha Jannaayo 20-keeda, iyagoo durba Baqdaad ka qaatay ciidanka aan asaasiga ahayn, xilli ay soo dhowdahay sanad-guuradii 1-aad ee khaarajintii ay u gaysteen Jen. Qasem Soleimani oo la diley 3-dii Jannaayo.

Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay “sii wadayaan cadaadiska ay ku hayaan kooxda  al-Shabaab oo halis ku ah amaanka Soomaalida,” sida uu sheegay Jen. Stephen Townsend, oo ka tirsan Ciidanka Lugta, ahna Taliyaha U.S. Africa Command.

Maraykanka ayaa sanadkan Somalia ka gaystey 50 weerar daroon, taasoo wax yar ka hooseeysa 63 rikoodh jebis ahayd oo uu gaystey sanadkii hore ee 2019-kii, waloow marar badan lagu eedeeyo in duqaymahani ay rayidka waxyeello gaarsiiyaan.

Labadan arrimood waxay muujinayaan in aanu Maraykanku marna ka dhabayn doonin bixitaanka uu sheegayo oo kaliya ku ekaan doonta inta ay kala wareegayaan labada maamul ee Trump iyo Biden 20-ka Jannaayo.

Hadalsame Media

Facebook Comments