KA DHIG: Millaterigii xilka boobay waxay doorasho madax bannaan qabteen 1973-kii, kaddib maxaa dhici kari lahaa?

0

(Hadalsame) 11 Dis 2020 – Askartii Kacaanka Oktoobar wacadkii ay umadda la galeen kolkii ay talada la wareegeen sannadkii 1969 waa ay oofiyeen oo sannadkii 1973 wax ay qabteen doorashooyin guud. Waxaa la doortay baarlamaan, madaxweyne iyo golayaal degaan.

Saraakiishii Maxamed Siyaad hoggaaminayay waxaa loo aqoonsaday halyeeyo qaranka badbaadiyay, buugaag qurux badan baana la ga qoray isbeddelka wacan ee ay dalka galiyeen. Shirkado badan baa dalka maalgashaday, waxaana la soo saaray shidaal gaas iyo saliid iyo macdanba leh.

Beeraha, xoolaha iyo kalluunkaba aad baa loo horumariyay, waxaana abuurmay shirkado waaweyn oo ka shaqaysta. Warshado badan baa dalka ka furmay oo waxsoosaarka dhoofiya. Heerka shaqo helista bulshadu wax uu noqday 95%, heerka noloshuna aad buu kor u kacay. Sannadkii 1977 Itoobbiya dagaal la gu ma qaadin, kumanyaalkii dhallinyarada ahaana dagaalkaa ku ma dhiman.

Sannadkii 1978 ma dhicin afgembigii dhicisoobay, colaaddii qabyaaladeed iyo dagaalladii sokeeyana ma bilaaban. Weligeen ma aynnaan maqal SSDF, SNM, SPM, USC iyo magacyo la mid ah, mana aynnaan maqal Mujaahid, Qudhmis iyo Faqash. Dagaalladii la gu ba’ay ee Waqooyigu ma dhicin, dadkii la gumaaday ma ay le’an, Itoobbiya iyo qurbaha loo ma qaxin, Hargeysa iyo Burcna ma dumin.

Xamar iyo Koonfur la isku ma layn cidina ka ma qaxin. Sannadkii 1990 Muqdisho waxaa loo aqoonsaday caasimadda Afrika oo dhan u gu qurux badan, u gu nolol wanaagsan ee u gu nabad badan. Wahaabiyadu ma ay helin fursad ay innagu dhex faafto, weligeenna ma aynnaan maqal Cayrow, Godane, Shabaab, Takfiir, isqarxin iyo magacyada la halmaala.

Sannadkii 1998 waxaa la doortay madaxweyne Madhibaan ah oo reer Burco ah, sannadkii 2002 raysalwasaaruhu wax uu ahaa beesha Jareer oo ka soo jeeda Jawhar. Sannadkii 2010 dalxiiskii Soomaaliya yimid wax uu ahaa 7 milyan oo ruux. Xeebaha Banaadir, Shalanbood Kismaayo, War Sheekh, Xarar Dheere, Garacad, Ayl, Maydh, Batalaale, Ceel Sheekh iyo Sacaadadiin waxaa safsaf u dhisan huteello dalxiis oo wada cammiran, waxaana caloolaha cadcad cadceedda u dhigaya dad reer Yurub ah oo mugdiga iyo dhaxanta ka soo firxaday iyo Carab hanfiga ka soo baxsatay.

Isla sannadkaa Soomaaliya wax ay magangalyo siisay 40,000 oo qof, intaa in la’egna dhalasho ayaa loo oggolaaday. Anigu weligay qurbaha u ma qaxin, wax aanan nolol liibaan leh ku nool ahay Muqdisho. Galab kasta wax aan u dabbaal iyo daawasho tagaa xeebaha Liido iyo Jasiira, maqaaxi fadhi macaan baanan wax ku soo akhristaa oo ku soo qortaa.

Halkaas baan marmar inta aan indhaha isku yara qabto maskaxda ka daawadaa quruxda dalkayga… Adeer aannu idinka riyoonno ee buuqa na ga daaya, Mooryaan yahay, Faqash yahay, Qudhmis yahay, Argagixiso yahay!

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media