Giriigga oo sheegay war muujinaya inay Soomaalidu iska qarxisey fursad ay ku qabtey Turkiga

0

(Athens) 11 Dis 2020 – Dowladda Giriigga ayaa Turkiga ku eedeeysay inuu Soomaalida siiyo fiise sahlan kaddibna marka ay yimaadaan uu farta ugu fiiqo inay Giriigga aadaan si ay Yurub uga sii gudbaan.

Athens oo muddo dheer Ankara ku eedeeynaysey inay hub ahaan u adeegsanayso arrimaha qaxootiga si ay cadaadis u saarto Midowga Yurub oo ay ku eedeeysay inaysan taageero ku filan siinnin si ay ula xaasho ilaa 4 milyan oo qaxooti ah.

“Dalka Somalia, waxaan fahansan nahay in maamullada Turkigu, sida Wasaaradda Waxbarashada iyo wasaarado kale, ay dhiirrigelinayaan in loosoo dhoofo Turkey,” ayuu yiri Wasiirka Socdaalka Notis Mitarachi oo shir jaraa’id qabtay.

Wuxuu sheegay in ay isla Soomaalidu uga marqaaati keceen in ay ku yimaadeen fiisayaal ay u ”fududeeyeen” hay’ado kala duwan oo Turkish ah oo ay NGO-yo ku jiraan kuwaasoo xitaa ka kaba lacagta tigidhada, isagoo sheegay in ilaa 300 oo Soomaali ihi ay qaabkan ku yimaadeen, waxaana ku jira ardayda jaamacad iyo isbitaal Muqdisho ku yaalla sida uu yiri.

Wuxuu sheegay inay dadkani si sharci ah kusoo gelayaan Turkiga si ay ugu tahriibaan Yurub, isagoo ku dooday in lagu qaado gawaari waawayn iyadoo la geeyo meelo gaar ah oo magaalada Istanbul ka tirsan, inta ay sugayaan safarkooda galbeedka Turkiga, sida uu ku dooday Wasiirku.

Turkiga ayaan eeddan oo qayb ahaan been abuur u badan aan weli ka hadlin, balse waxaa run ah inuu Turkigu Soomaalida siiyo deeqo waxbarasho oo aanay ka faa’iidaysanin ujeedkiisuna ma aha inay dadku sii tahriibaan, lamase oga cidda Giriigga uga sheekeysay, waloow uu Wasiirku leeyahay waa uun Soomaalida waxa warkan noo sheegay.

Soomaalida ayaa caan ku ah inay isla iyadu iska qarxiso fursad kasta oo soo marta.

Hadalsame Media