”Gaarigii ay dhex fadhiyeen ayuu feer ku jebiyey kaddibna waa cayrsadey” – Booliiska Edmonton oo qabtay nin weerar ku qaaday gabdho Soomaali ah

0

(Edmonton) 11 Dis 2020 – Nin ayaa eed lagu soo oogey kaddib markii uu weerar “nacayb ku salaysan” ku qaaday gabar iyo hooyaadeed Soomaali ah oo ku sugnaa meel gawaarida la dhigto ee suuqa Southgate ee magaalada Edmonton, Canada.

Richard Bradley Stevens, 41-jir, ayaa weeraray labadan qofood ee Soomaalida ah iyaga oo gaarigooda dhex fadhiya isagoo ku qaylinaya erayo cunsuriyadeed, sida ay sheegayaan Booliiska Edmonton.

Goobjoogga ayaa sheegay in ninkani uu weeraray haweenkan oo xirnaa xijaabka haweenka Muslimiinta, isagoo deeto feer ku bilaabay kaddib markii uu feer ku jebiyey muraayadda daaqadda.

“Markii ay nafta u baqday ayay carartay iyada oo gaariga ka baxday, balse ninku wuu ka daba orday isagoo feer ku boobsiiyey.” ayuu yiri qof marqaati ah oo sheegay inuu feerey gabadha kale lafteeda kaddib markii ay isku dayday inay u gurmato midda kale.

Booliiska ayaa haatan xabsiga dhigay Stevens oo ay Booliisku horay u garanayeen balse aan lagu aqoonin dembiyo nacayb ah, ayaa ku eedaysan laba dembi oo weerar ah iyo mid ciyaala suuqnimo iyo dhaqan xumo ah, iyadoo la adeegsanayo Qodobka 718.2 ee Ciqaabta Madaniga ah ee Canada, oo fasaxaya in la kordhiyo mudada uu xirnaanayo.

Hadalsame Media