Faransiiska oo samaysanaya ciidamo nooc cusub oo aan abid horay dunida uga howl gelin (Tayooyin macmal ah oo lagu darayo)

0

(Paris) 10 Dis 2020 – Ciidanka Faransiiska ayaa loo fasaxay inay samaystaan wax loo yaqaanno BIONIC super-soldiers kuwaasoo xanuunka u gigsan kara isla markaana leh garaad dheeraad ah.

Tillaabadan ayaa imanaysa todobaad uun kaddib markii Shiinaha lagu canaantay tillaabadan oo kale, iyadoo ay arrintan ogolaadeen Guddiga Anshaxa ee Wasaaradda Gaashaandhigga, si baa la yiri uu Faransiisku ula xafiiltamo dalalka adeegsanaya farsamada noocan ah, sida ay sheegtay Wasiiradda Gaashaandhigga, Florence Parly.

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Maraykanka, John Ratcliffe, ayaa mar uu ka hadlayey Beijing oo ku fooggan mashruucan oo kale yiri: ‘Xad anshax ma laha Beijing marka ay awood raadinayso.’

Yeelkeede, kama hadal Faransiiska oo isaga la olog ah. Waxaana tillaabooyinka lagu kordhinayo tayada Ciidamada Faransiiska ka mid ah in kaniiniyo la siiyo askarta si ay usoo jeedi karaan muddo dheer sida amphetamines iyo in qalliinno lagu sameeyo si loo kordhiyo awooddooda maqal.

Waxaa waxyaabaha in la daraasadeeyo ka mid ah in askarta lagu tallaalo dhecaanno diiqad-diid ah (anti-stress), si loo xoojiyo mugga garaadka iyo feejignaantooda.

Sidoo kale talisyada ciidan ayaa awood u yeelan doona inay meeleeyaan askarta joogta goobta dagaalka isla markaana ay meel fog ka akhriyaan ”xayndaabkooda niyadeed”, taasoo u muuqata sidii wax la hagayo.

Waxaa kale oo la eegi doonaa in askarta lagu tallaalo waxyaabo u kala sheegaya cadowga iyo saaxiibka, waxaa kale oo la samaynayaa dawooyin askarta ka caawin doonta inay u gigsadaan xanuunka iyo go’doominta haddii kaligood meel gaar ah lagu xiro.

Waxba lagama dhihin awoodda ay ciidamadu u leeyihiin inay is dhiibaan haddii laga saa’id caleeyo.

Hadalsame Media