Turkiga oo Azerbaijan u diray gaadiid casri ah oo miinooyinka xaaqa (Armenia oo arrin cadownimo ah ku kacday)

0

(Ankara) 09 Dis 2020 – Shirkadda gaashaandhig ee ay leedahay dowladda Turkiga ee ASFAT ayaa dalkaasi Azerbaijan u dirtay gaadiid birta culus ah oo loogu tala galay in miinada lagu baaro.

Baku ayaa u baahan inay miino kumannaan ah ka saarto gobolka ay Armenia ka xoreeyeen ee Nagorno-Karabakh, kuwaasoo ay halkaa dhigeen Ciidanka Armenia, gaar ahaan qubuuraha oo la sheegay inay miino ka buuxiyeen maadaama ay filayaan in dadka Azeri-ga ah ee soo laabanayaa ay booqan doonaan qubuurihii hore oo ay ka maqnaayeen 30 sanadood.

Haddaba, Ankara oo dalkaa oo ay isku dad yihiin qoowmiyad ahaanna Turkic ah, ayaa waxay sii xoojinaysaa taageerada amaan ee ay siinayso, waxayna siinaysaa 20 miine xaaqe oo culus.

“Waxaan u diraynaa 20 MEMATT (Mechanical Mine Clearing Equipment), kuwaasoo ay soo saartay isla shirkadda ASFAT oo ay tahay markii ugu horreeysey ee ay gaadiidkan farsamayso si ay u isticmaalaan Ciidanka Turkiga iyo dalka aannu walaalaha nahay ee Azerbaijan,” ayay tiri ASFAT.

Azerbaijan oo noqonaya dalkii ugu horreeyey ee iibsada MEMATT, ayaa 2 deg deg u helaya, halka 18-ka kale ay gaari doonaan ilaa bartamaha sanadka soo aaddan ee 2021.

MEMATT, oo ay ku dahaaran tahay birta adag ee Armox 500T, oo ah mid aanay miinadu karin ayaa waxaa laga hagi karaa meel fog oo ilaa 500 oo mitiir (1640.42 cagood) ah.

Wuxuu saacaddii nadiifin karaa 4 km (2.48 mayl saacaddii).

 

Hadalsame Media