SAWIRRO: Ruushka oo la kulmay ”yaxyax qaran” kaddib markii ay tuugo u dhacday ”Dayuuradda Yoowmal Qiyaamaha” (Maxay tahay?)

0

(Moscow) 09 Dis 2020 – Booliiska koonfurta Ruushka ayaa baaris ku haya shixnad muhim ah oo laga xaday dayuuradda aadka loo ilaaliyo ee Ilyushin Il-80 oo lagu naynaaso ‘dayuuradda Yoowmal Qiyaamaha.’

Booliiska ayaa arkay in qaybta xamuulku ay iska furan tahay isla markaana laga xaday agab muhim ah, tiiyoo ay jirto in wax kasta oo dayuuraddaa saaran iyo xitaa dayuuradda lafteeduba ay yihiin sir qaran oo si aad ah loo ilaaliyo.

Il-80, ayaa lagu dayac tirayey magaalada Taganrog oo 1,000km koonfur kaga beegan Moscow, waana dayuurad aanay dadku xog badan ka haynin oo loogu tala galay inay u gigsato xitaa weerar nukliyeer, sida la yiri.

Dayuuraddan oo la dhisay waayihii Soofiyeetka, waxaa loogu tala galay inay talis guur guura oo cirka ah ka dhigtaan madaxda dalkaasi haddii lacalla la burburiyo kuwa dhulka, mana jirto dad ka baxsan kuwa ka shaqeeya oo og waxa saaran, marka dabcan laga reebo tuugadii u dhacday.

Sida ay faafisay Interfax, waxaa dayuuradda laga xaday 39 sheey oo elektaroonig ah iyo 5 waxyaabaha lagu xiriiro ah, waxaana arrintaa isna sheegay hilinka REN, oo tilmaamay inay booliisku arkeen faraha iyo raadadka tuugada.

Isagoo la hadlayey maalinlaha Komsomolskaya Pravda, wuxuu khabiirka ciidan ee Igor Korotchenko shilkan ku tilmaamay “mid yax yax leh,” isagoo su’aal ka keenay sababta loo gabay amaanka iyo ilaalada dayuuradda oo sanadkan horraantiisii meel loo dhigay 24 milyan oo robolka dalkaas ah ($328,080) si loogu dayactiro hoosada Taganrog-Yuzhny oo ay hadda taalley.

Il-80 ayaa duullimaadkii ugu horreeyey samaysay 1985-kii, iyadoo laakiin si rasmi ah u howl gashay 1992-kii. Waa dayuurad loogu tala galay inay talis guur guura u noqoto dalkaas maamul ahaan iyo ciidan ahaanba, haddii la burburiyo talisyada dhulka.

Hadalsame Media