”Masasku ha idinka nastaan!” – Maxkamad Federaal oo Jarmanka ku taalla oo joojisey wershad laga dhisayo kayn ay masasku ku nastaan

0

(Berlin) 09 Dis 2020 – Wershad wayn oo ay leedahay sharikadda Tesla ee soo saarta gawaarida korontada ku shaqaysa oo laga dhisi lahaa dibedda Berlin ayaa dhibaato la kulmaysa, kaddib markii ay maxkamadi amartay in la hakiyo dhul laga geed qaadayo meesha wershaddan laga dhisi lahaa.

Sababtu waxay tahay inay halkaa ku nasanayaan masas ku jiri xilliga suurista jiilaalka, taasoo ay tixgelisey Maxkamadda Frankfurt an der Oder, iyadoo haatan arrinta dib looga tashanayo.

Waxaa dacwadda maxkamaddan maamul hor geeyey koox maxalli ah oo degaanka u doodda oo la yiraahdo NABU.

Waxay ku doodeen in geed gaadka socdaa uu qushmaan iyo dhib ku hayo nolosha maska loo yaqaan Coronella austriaca, kaasoo xilliyada qaboowga ah gala xaaladda loo yaqaan suurista (hibernation) oo ah mid uu dhulka galo ama geedaha fuulo xilliyada jiilaalka.

Waxay kale oo ku doodeen in dhismaha iyo geed qaadku uu dhibaato u gaysanayo qorato-ciideedka loo yaqaan Lacerta agilis dhanka afka qadiimiga ah ee Laatiinka, taasoo iyaduna halkaa ku nool.

Wershaddan oo noqonaysa middii ugu horreeysey ee ay Tesla Yurub ka furato ayaa lagu wadey in la furo bisha Luulyo ee 2021 balse dib ayay uga dhici doontaa, si waqti loo siiyo masaska halkaa hurdaya.

Bishii Oktoobar ayaa sidoo kale lagu qabsaday inay biyo badan u baahan tahay, iyadoo markii dambe taa laga heshiiyey kaddib markii ay ogolaatay inay dhinto biyaha ay u baahan tahay oo awal ahaa 3.3 milyan oo mitir kubbe oo haatan laga dhigay 1.4 milyan oo mitir kubbe.

Hadalsame Media